Guddoomiyihii Maxkamadda War-dhiigley Oo Xalay La Dilay
Muqdisho:June,16,2014(SDN/QJ)-Laba Nin oo Dhallinyaro ah Oo Bastoolado Ku Hubaysan ayaa Habeenkii Xalay Magaalada Muqdisho ku Dileen Gudoomiyihii Maxkamadda War-dhiigley.
Dilkan ayaa ka dhacay xaafada Via Laberia ee Degmada Waaberi, waxaana la sheegay in si Degdeg leh ay marxuumka u toogteen raggii bistooladaha ku hubeysnaa.
Guddoomiyaha Degmadaas oo Idaacadda BB C-da la Hadlay ayaa sheegay in Marxuumka la dilay Aqalkiisa loogu talay, isla-markaana xabaduhu ay ku dhaceen isagoo Aqalkiisa jooga, balse uu ku geeriyooday Cisbitaalka Markii la Geeyey.
Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Wardhiigley oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Xasan Maxamed, ayaa wuxuu hoygiisa uu ku yaalaa xaafada Via Laberia ee Degmada Waaberi.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo soo gaadhay meesha lagu dilay marxuumka, ayaa waxaa la sheegay in halkaasi ay tageen xilli ay baxsadeen nimankii dilka geystay.
Dilka Ibraahim Xasan Maxamed, ayaa waxay baqdin gelisay shacabka ku nool xaafada Via Laberia ee Degmada Waaberi oo ka mid ahayd Goobaha ugu nabadda Badan Magaalada Muqdisho.
SDN/QJ-
Contact@somalidasporanews.com