Guddoomiyihii Hay’adda Muslim Aid Somalia u Qaabilsanaa Oo Maalintii Saddexaad Ku Jira Xabsiga Godka Jinicaw Iyo Sababaha Xadhigiisa Lala Xidhiidhiyey
Muqdisho:Mar,19,2015(SDN/QJ)-Madaxii Hay’adda Muslim Aid Somalia u qaabilsanaa Maxamed Muumin, ayaa maalintii saddexaad ku jira Xabsiga Godka Jinicow oo ay ku xidheen Hay’adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Maxamed Muumin ayey Saraakiil katirsan Hay’adda Nabadsugidda Somalia kasoo qabteen Gurigiisa oo ku yaalla Degmada Xamar-weyne, waxana isla markiiba loo dhaadhiciyey Xabsiga Godka Jinicow, iyadoo xadhigiisana la sheegayo inuu salka ku hayo tuhun ah inuu xidhiidh dhaw la leeyahay xoogagga Al-shabaab.
Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya dadaalo lagu doonayo in xabsiga looga soo sii daayo Maxamed Muumin, dibna uu ula wadaago qoyskiisa.
Nabad Suggidu wax war ah kama aanay soo saarin xadhiga ka dhanka ah Maxamed Muumin, lagamana sugayo, maadaama aanay caado u lahayn inay sababeeyaan xadhigga cidda ay qabtaan.
Hay’adda Muslim Aid ee Sarkaal xidhani madaxda ka yahay, ayaa ka shaqaysa arrimaha Taakulaynta dadka jilicsan, waxana ay si gaar ah u xannaanaysaa Dadka agoomaha ah.
SDN/QJ