|

Guddoomiyha Ururka Samafalka ee Garoodi:Burin been abuur

Guddoomiyaha Ururka samafalka reer Somaliland ee Gaaroodi Md Deq Cabdi Digale ayaa bayaan uu soo saaray waxa uu ku beenin shaqsi dhawaan maqaal ku qoray warbaahinta qaar oo sheegtay in uu yahay Afhayeenka Gaaroodi.

Shaqsigan oo la yidhaa Khadar Cabdi Ciise ayaa maqaalkiisa ku weeraray xisbiga mucaaridka ee UCID iyo hogaankiisa sare.

Gudoomiyaha ayaa qoraalkiisa uu ku burinayo been abuurka waxa uu u dhignaa sidan;Asaalamu Calaykum wa Raxmatullah wa Barakaatuh.

Ururka samafalka ah ee Gaaroodi waxaa uu beeninayaa been abuur ku soo baxay web-site-da qaarkood soona baxay 25/08/12 kaas oo ah nin isku tilmaamay in uu yahay afhayeenka ururka Gaaroodi magaciisana ku sheegay Khadar Cabdi Ciise isaga oo u dan lahaa in uu ku dhaleeceeyo qoraalkiisa Xisbiga UCID damcayna inuu ku soo gabbado ururka Gaaroodi ee sharfta huwan.

Haddaba haddaannu nahay maammulka Ururka samafalka ah ee Gaaroodi waxaanu si cad u bayaaminaynaa in aanu ururku lug ku lahayn qoraalkaas ninkaas afhayeenka sheegtayna aanu ururka haba yaraatee ka mid ahayn waxaa uu sheegayna ay yihiin wax ururku beri ka yahay oo isaga u gaar ah, ururku waa mid ku dhisan samafal una taagan adeegyada ay ka mid yihiin,waxbarashada, caafimaadka, ilaalinta deegaanka, biyaha,ka warhaynta nolosha dadka ,aafada dabiiciga ah iyo wixii la mid ah.
Ururku wuxuu ka madax bannaanyahay siyaasad.

Waxaannu uga digaynaa cid kasta oo fidno ka dhex abuuraysa bulshada in ay gabbood ka soo dhigtaan Ururka oo ka waantoobaan waxa bulshada dhibaato u horseedi kara , haddii ay taas ka durki waayaan waxay la kulmi doonaan sharciga oo lala tiigsado iyo ciqaab ay isku qoomameeyaan, waxa kale oo aannu ku waaninaynaa warbaahinta fidiniya qoraallada xajiinta leh ee dalka iyo dadka midna aanay dani ugu jirin in ay ka fogaadaan ilaaliyaanna anshaxa saxaafadda.
Wa billaahi tawfiiq
Guddoomiyaha Ururka Samafalka ah ee Gaaroodi
Deeq Cabdi Digale

Comments are closed