Guddoomiye Saleebaan Oo Ka Baydhay Hawshii uu Qaranka u Hayey Uga Baydhay SHirar Docyeedyo uu Aqalkiisa kula Leeyahay Hoggaanka Beeshiiisa
Hargeysa:30-Nov-2013(SDN)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Gebi ahaanba Dhinac iska dhigay oo ka Leexday Hawlihii Guurtinimo ee uu qaranka u hayey, una Baydhay Arrimaha Beesha uu ka soo jeedo.
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku mashquulsan Shirar-doceedyo uu Beeshiisa u abaabulayo, waxana uu Maalmihii la soo dhaafay Kulamo Gooni gooni ah Aqalkiisa magaalada Hargeysa ugu qabtay Xubnaha Beeshiisa ugu Jira Golaha Baarlamaanka Somaliland.
Guddoomiyaha ayaa Habeen Hore Aqalkiisa kula Shiray Xubnaha Golaha Baarlamaanka ugu jira Beeshiisa, waxana kalankaas oo albaabadu u xidhnaayeen ahaa mid si aad loogu Gorfeeyey sidii xildhibaanada Beeshu u noqon lahaayeen kuwa ka taliya Arrimaha Beesha iyo maslaxadeedda, isla-markaana ka Hawlgala dhinaca isku duubnida iyo wada jirka Beesha.
Guddoomiyaha ayaa sida ay sheegayaan warar Hoose oo aanu helnay shirkaas, waxa uu si Badheedh ah ugu sheegay Xildhibaanada inaan looga Dulqaadan doonin wax tafaraaruq ah iyo kala jiidasho Xisbiyada mucaaridka dhexdooda ah, waxana uu ku dhiirrigeliyey sidii ay Taageeradooda u siin lahaayeen Xisbiga Beesha Tacabkeedu ku dhan yahay ee Kulmiye.
Xildhibaanada ayaa la sheegayaa inay intooda badani Hawraarsan ku soo dhaweeyeen Hadalka Guddoomiyaha, waxana ay intoodii halkaas ka hadashay sheegeen inay ayidsan yihiin Soo Jeedimaha Guddoomiyaha, iyagoo uga Mahad celiyey sida fiican ee uu ugu talinayo isoo jiiddida Beesha.
Isla kulankaa ayuu Guddoomiye Saleebaan ku wargeliyey xubnihii xildhibaanada ahaa inay kala Qolada dhaqanku masuul ka yihiin kala daadashada Beesha iyo Ra’yiyda iska soo horjeeda ee soo yeedhaya, isagoo ballan ku qaaday inuu iyagana meel iskugu keeni doono intii uu ka haleelo.
Guddoomiyaha ayaan Ballantiisan ka Laba- labaynba, waxana uu isla Xalay Aqalkiisa shir Ballaadhan ugu qabtay Tiro badan oo ka tirsan Hormoodka iyo waxgaradka Beesha, waxana Halkaas lagu qaadaa dhigay Danta iyo maslaxadda Beesha iyo waliba sidii ay Beeshu Cod midaysan uga Yeelan lahayd Arrimaha Kulmiye ee Haatan Taagan oo uu Guddoomiye Saleebaan Toddobaadkii hore Dedaal badan geliyey sidii loo dhamayn lahaa, balse aanu ku guulaysan.
Kulankan uu xalay Saleebaan Aqalkiisa ugu qabtay Cuqaasha, salaadiinta iyo waxgaradka Tirada badan ee Beeshiisa ka soo jeedda, ayaa si aad ah loogu lafo guray in Beeshu u baahan tahay inay hab ay isku wada raacsan tahay uga jawaabto Muranka ku dhex jira xisbiga Kulmiye iyo Sidii Taageero buuxda loo Siin lahaa Rabitaanka Madaxweynaha ee Caqabadaha haatan ka soo cusboonayaday Xisbiga Dhexdiida.
Cuqaashii Halkaas isku timi intooda badan ayaa ku ayiday Guddoomiyaha inay la Baadi doonaan qawl midaysan oo ay beeshu ka yeelato arimaha soo kordhay, waxana ay ku ballameen inay Dadkii ay ka yimaaddeen meel ay joogaanba ku dedaali doonaan sidii loo midayn lahaa ee tafaraaruqa iyo muranka looga dhex saari lahaa.
Guddoomiye Saleebaan ayaa sidoo kale Kooxdan ka kooban Hormoodka Beesha ku dhiirigeliyey in beesha looga baahan yahay inay la yimaaddaan midnimo iyo is fahan dheeraad ah, maadaama haatan uu madaxweynaha saaran yahay culays kaga yimi dhinaca Xisbiga oo ku guuldarraystay inay calool fayoobaan ku galaan shirweynaha dhawaan dhici doona.
Sidoo kale waxa uu Guddoomiye Saleebaan kula dardaarmay Waxgaradkan beeshiisa ka soo jeeday inay Doorashooyinka soo socda iyo muranka Kulmiye-ba ku qaabilaan midnimo iyo isku duubni oo aanay sida Beelaha kale qolaba qolo taageero aan Beeshu isku raacsanayn u muujinin.
Sidoo kale waxa lagu wadaa inuu Guddoomiye Saleebaan ayaamaha soo socda Kulamo kale la yeesho Ganacsatada iyo Maalqabeenada Beesha, isaga iyagana kala hadli doona sidii ay uga shaqayn lahaayeen, islamarkaana Maalkooda ugu bixin lahaayeen Danaha iyo hawlaha Reerka.
Arrinta uu Saleebaan faraha kula jiro ayaa guud ahaanba ka soo horjeedda hawshii qaranku ku ogaa ee ahayd Guddoonka Guurtda, waxana jira warwar hor leh oo la xidhiidha Hore u wadidda shaqada uu qaranka u hayo, maadaama uu u muuqdo nin u xuubsiibtay arrimo reereed.
S.D.N