|

Guddoomiye Muuse Oo Ka Dhiidhiyey Dhawaaqyo Mucaaridka Somaliland Su’aal Ku Geliyeen Sharcinimada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa:Jully,07,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si weyn uga Horyimi dhawaaqyo mucaaridka somaliland kaga soo horjeedaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas salka ku haya inaanay xukuumaddu wax sharciyad ah haysanin wixii ka dambeeya 27-ka bishan Jully oo muddo-xileedka sharciga ah ee Madaxweynuhu ku dhan tahay.

xorgrGuddoomiyaha oo maalintii shalay ka Hadlayey madal  lagu soo casuumay, ayaa waxa uu Bulshada usoo jeediyey inay isdejiyaan oo aan dheg jalaq usiinin dubaanno uu sheegay inay mucaaridka xilligani garaacayaan.

“Waxaa mucaaradka ka soo baxa hadalo kulkulul oo dadka cabsi galiya, waliba baayac mushtarka, ardayda iyo dadka nabadda jecel, kuwaasi oo odhanaya 27-ka July kadib dawladdi jiri mayso, dawladda ma aqoonsanin, xaggan baanu ka soo ridaynaa iyo xagan baa laga soo dhacayaa…umadda waxaan u sheegayaa waxaas waxa la yidhaa goolaaftan siyaasadeed.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha oo Hadalkiisa sii wata, ayaa shacabka ugu bushaareeyey inay nabaddu sii waari doonto, waxana uu yidhi,

“Markaa rag siyaasiyiin ah, oo xisbiyo ku jira oo qaarkood Musharax sheegtaan ayaa waxay ku doodayaan 27-ka dawladda aqoonsan mayno, waxbaa dhacaya, waxaasi waa hadal goolaaftan ah oo aan umadda u sheegayo inaanay waxba dhacayn. Nabad baynu ku jiraynaa, barwaaqo ayaynu ku soconaynaa, waynu dedaalaynaa,”

Guddoomiyaha Kulmiye, waxa uu sheegay inay dhaliil leeyihiin oo aanay wada sax ahayn hawlaha ay wadaan, waxana uu yidhi,  “ma odhanayno dhaliil ma lihin. Haddaan idhaahdo Kulmiye dawladdiisu boqolkiiba boqol waa sax, dee Illaahay uun baa wax wada sax ah laga helaa waase la dadaalayaa, dhaliisha waa la ogol yahay in la isku sheego, waxaas baa inaga dhimman ee aan buuxinno waanu garanay laakiin, erayada imika soo duulduulaya ee ah cashuur bixin mayno iyo dawladda aamini mayno iyo dawladdaanu gaalo ka dacweynaynaa , gaalooy noo kaalaya anagu balaayadaas ma aragno. Waxaanu dadka u sheegaynaa ilaa inta doorashada oo hawsheeda lagu jiro laga gaadhayo in waxa dadka qaar sheegayaan hadoof tahay, dalkuna nabad yahay, dawladdana waxaynu u dooranay inay nabad galyada ilaaliso” ayuu yidhi Mr Muuse Biixi.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed