Guddoomiye Muungaab Oo Qoys Somaliyeed Gacantooda Ku Soo Celiyey Aqalkoodii Oo Muddo 23-sano ah Xoog Loogaga Haystay
Muqdisho:May,21,2014(SDN/QJ)-Muddo Kooban ka dib markii uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ku dhawaqaaday In ay bilaabatay xiligii la isu celin lahaa hantida Maguurtada ah ee la kala haysto ayaa waxaa dib gurigeeda u heshay Hooyo Soomaaliyeed oo mudo 23 sano Xoog lagaga haystay.
Amarkan kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Gen. Muungaab ayaa waxaa fulintiisa bilowday Maxkamadda Gobolka, iyadoo tallaabadii ugu horeysay lagu qaaday guri 23 sano xoog lagu haystay, kaasoo ku yaal degmada Heliwaa.
Guddomiyaha degmada Hiliwaa Maxamed Axmed Xaashi Qoslaaye iyo Taliyaha ciidanka Booliska degmada Gaashaanle Khaliif Ilkacase ayaa hoggaaminayay howlgalkaan dib loogu celinayay qoyska laga haystay guriga.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa dhawaan ku dhawaqaaday In muwaadin Soomaaliyeed aan si qasab ah looga heysan karin hantidiisa, isagoo ku dhawaaqay guddi u xilsaaran xalinta khilaafaadka dhulka ku saabsan.
Qoyska Soomaaliyeed ee Muddada aqalkooda xoogga loogaga Haytay, ayaa warbaahinta Horteeda ka muujiyey sida ay uga faraxsan yihiin tallaabada caddaalada lagu soo celinayo, iyagoo sheegay inay dareensan yihiin in waddanka ay ku soo socoto ifafaale wanaagsan oo caddaalad ku fadhidaa.
Waxay ay qoyskani tilmaameen in dhulkooda muddadii dawladdii dhexe ee Somalia burburtay si xoog ah loogaga haystay, isla-maraana ay awoodi waayeen inay iska dhiciyaan kooxda Guriga ka haysatay, balse Samir dheer kadib ay maanta heleen cid caddaaladda ka talisa.
General Muungaab ayaa isagu si aan Gabasho lahayn u sheegay in ay khasab tahay in dhamaanba dhulka la kala haysto la isku celiyo, waxana uu ku adkaystay in inta dhul la kala haysto aanay dawladnimo jiraynin.
SDN/QJ