Guddoomiye Ku-xigeenkii 3-Aad Iyo Xoghayihii Arrimaha Bulshada Ee Ururka UMADDA Oo Xilkii Iska Casilay Kuna Biiray Xusbiga KULMIYE
Hargeysa 12-11-2012-(SDN)-Gudoomiye Ku Xigeenkii 3-Aad ee Urur Siyaasadeedka UMMADA oo shaaca ka qaaday in uu ku biiray Xusbul Xaakimka talada dalka haya ee KULMIYE .
Pro Axmed Maxamuud Nuur oo ahaa Gudoomiye ku xigeenkii sadexaad ee Urur Siyaasadeedka UMMADDA oo manta shira’iid ku qabtay Hotel Guuleed ee Magaalada Hargeysa ayaa shaaciyey in uu digo ragtay Xusbiga KULMIYE oo uu sheegey in uu ku doortay wax qabadkiisa mudadii uu talada dalka hayeyey waxaana hadaladii ka mid ahaa.
“sababahay aan Xusbul xaakiim ka ku doortay waxa ka mid ahaa iyada oo xukuumadani uu hogaaminayo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo markii ay Xukunka Dalka la wareegtay ay caqabado badani la kulan tahay caqabadahaasina hader waxaad mooda in ay caqabadihii dhamaantood ka gudbeen marka ugu horaysa markii ay xusbigu talada dalka la wareegeen waxa ay la kulmeen afar arrimood oo ay ka mid ahaayeen dhaqaale burur oo khasnadiyihii aan waxba ku jirin waad ogtihiino manta Dowladihii waa wayna ee Spain ay ka mid ahaayeen ay dhaqaale xumo la qaylinayaan keenuna halka uu marayo aad ogtihiin oo Somaliland waxba kama cabanayso xurgufihii bariga iyo galbeedka Somaliland oo iyada manta la soo afjaray oo aragtaan nabada taalaa goobihii Ceel bardaale iyo kalshaale iyo buuhoodle waxa kale oo ay Xukuumadu la kulan tahay Kooxidii Khaatumo oo iyada waad aragtaan halka ay ku dambaysay ee ay wufuudii deegaadaasi ay soo qulqulayaan Xuduudihiina ay soo xidhmeen oo ay sugmeen waxaa kale oo uu Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed maxamed Maxamuud Siilaanyo la kulmay Shirkii London oo macnaheedu aanay ahayn waxaa laga tegey Qadiyadii iyo madaxbanaanidii ,iyo juquraafi ahaantii ee macnaheedu waxaa ay ahayd aan kala gurano waxaayaabihi iskaga keen hadhhsanayaa oo ay ka mid ahayd hantidii lawada lahaan jiray oo wali isugu keen jirta waayo diyaarahii waxa ay yaalaan jarmalka Hawada circa wali inalooma kala qaybin waxayaabahaasi oo dhan Xuukuumada Siilaanyo waa ay ka soo gudub taya anigu Mowqifkaygii Siyaasadeed waxaan kula biiray Xusbiga KULMIYE “.
Sida oo kale pro Axmed Maxamuud Nuur waxaa waxaa uu ka hadlay arrin warbaahintu wax ka waydiisay oo ku saabsanayd in Beesha uu ka soo jeedo ee Bariga Gobolka Sanaag ay Iclaamiyeen Shirbeeleed ay yeelandoonaan waxaanay cadeeyey in ay beeshu xaq u leedahay in ay shiran cidi ka hortaagani aanay jirin balse waxa uu Pro Beeshiisa ugu baaqay in ay shirka dib u dhigaan inta ay dhacay Doorashada Golayaasha Deegaanka ee Dalka ka dhacaysa sida lagu wado dhamaadka bishani .
Waxaa kale oo shirkaasi jaraa’iid ka hadlay Xoghayihii Arrimaha Bulshadda ee Urur Siyaasadeedka UMMADDA oo shaaciyey in uu xilkii uu ururka u hayey iska casilay isla markaana uu ku biiray Xusbi Xaakimka KULMIYE.
www.Qurbejoog.com Hargeisa