|

Guddoomiye ku-xigeenka UCID Cali Guray: Mawqifka uu Xisbiga UCID ee golahani ma aha mid madmadow ku jira ee si buuxda ayaanu u soo dhawaynay una taageer sanahay

Hargeysa July 19,2013(SDN)-Gudoomiye Ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga Qaran ee UCID Cali Maxamed Yusuf cali gurey ayaa qoraal uu soo saaray uga warbixiyay taageerada xisbigaasi u hayo Gollaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka ee dhawaanta Hargeysa looga dhawaaqay.

Guddoomiyhu waxa uu sidaa ku sheegay qoraal sidan u dhignaa“ Mawqifka uu Xisbiga UCID ee golahani ma aha mid madmadow ku jira ee si buuxda ayaanu u soo dhawaynay una taageer sanahay sedex sababood oo muhiim ah awgood.

1 Golahani muwaadiniinta isugu tegay ee ku dhawaaqay may sheegan Gole qaran oo afraynaya Golayaash Qaranka ee dastuuriga ah.Sidoo kale maaha manay sheegan xisbi qaran oo afraynaya sedexda xisbi qaran ee dastuuriga ah. Marka aanay inta midna ahayn sheeganin na waxanu u aragnaa muwaadiniin isu abaabulay dan ama dano qaran oo siyaasadeed ama bulsho ama labada ba. Muwaadiniinta Somaliland oo dhami inay isu abaabuli karaan ururo siyaasadeed, bulsho ama xirfadeed waa xaq dastuuri ah ooy leeyihiin waxa na u damaanad qaadaya dastuurka. Magaca ay la baxayaan muhiim ma aha muhiim urur/gole/gudi/koox iwm. Taasi waa dhinaca sharciga oo sharci dastuurka ka mudani ma jiro oo waanu ku taageer sanahay.

2 Goluhu waxay farta ku fiiqeen dhaliilo jira, hadii ay tahay dhinaca dawladda iyo xisbiyada mucaaridka ah ba. Dkaliilaha ay sheegeen marka lagu daro tan xisbiyada mucaaridka, xukuumada, sharci dejinta, iyo garsoorka ba waxanu qiraynaa in ay yihiin dhaliilo jira, xisbi ahaan na u qaadan maayno ceeb in nala dhaliilo ee waxanu u qaadanaynaa wanaag- timaan iyo toosin. Taana waanu ka garaabaynaa waan ku taageersan nahay in la is dhaliilo iyo in la is toosiyo ba.

3 UCID waa xisbi qaran oo beri ka maalin hadii Alleh Yidhaa tartan geli doona.

Raga golaha ka tirsan waxay ka mid yihiin nin doorka Somaliland kalsooni iyo tageero mug leh na way ku leeyihiin bulshada dhexdeed.

Waxa nu quud daraynay naa taageeradood oo si wayn xisbi ahaan aanu ugu baahan nahay manta iyo beri ba, siday doonto ba ha ku timaado eh.

Sidaa darteed laba xubnood oo UCID ah oo mid uu yahay gudoomiya Xisbiga ayaa noo qaabilsan iskaashiga iyo wada shaqaynta Xisbiga iyo Golaha.

Labada xubnood waxa soo jeediyay gudoomiyaha Xisbiga cid ku diiday na ma jirin kolay intaa masuuliyiinta Xisbiga ah ee ku sugan xarunta Xisbiga UCID

Anagoo ka duulayna saluuga goluhu ka muujiyay dhinaca xisbiyada mucaaridka waxa naga go’an xisbi ahaan sidii aanu bog cusub oo ku dhisan iskaashi aanu u la furi lahayn Xisbiga kale ee mucaaridka ah ee WADANI.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed