|

Guddoomiye ku-xigeenka sadexaad ee UCID oo jawaab kulu siiyay wasiir Xirsi

Hargeysa Sept 30,2013(SDN)-Guddoomiye kuxigeenka sadexaad ee Xisbiga UCID Md Cali Gurey ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeeray wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji.

Wasiirka ayaa sheegay in mucaaridku ay kolkii ay waayeen qodob ay ku dhaliilaan xukuumada ay haatan dhaliilaan horumarka.

Md Cali Gurey oo qoraal uu dhigan barta internetka ee Facebook arrinka uga jawaabay ayaa yiri” Wasiirka madaxtooyadu wuxu yidhi” mucaaridku markay waayeen WAX AY CAARIDAAN waxay gaadheen in ay caaridaan horumarka dalka ka socda”, hadalkani waa mid lagu qiimayn karo wasiirka shakhsiyadiisa, garshadiisa, bisaylkiisa siyaasadeed iyo weliba isla waynaanta iyo halka uu isla joogo oo runtii in lagu la yaabo aan ahayn waayo awoodo aan xad lahayn ayuu wakhigu siiyay oo waa mukulaal milinkeed joogta oo mici libaax leh. Inanku wuu lunsan yahay oo wax aanu geyin oo u qalmin ayaa la isugu daray.Dabar iyo hogaan midna ma leh, dabaysha ayaa sidata oo waa calooshii la ciyaar. Intii uu jiray xafiis dadwayne waa kii ugu horeeyay isaga na aqoon iyo karti midna kumuu helin. Lakiin daa wuxu ku dambayn, dhaaxaa gadaal la isla tebay wiil galbaday jeere
Madaxwaynihii ugu liitay ee xukuumadiisu ugu musuq maasuqa badnayd ugu na eexda iyo qaraabo kiilka badnayd taariikhda Somaliland ee ugu doorashada xumayd miyuu leeyahay wax lagu dhaliili karo ma leh?, mise aniga ayaan fahmin eh waa ba guubaabin mucaaridka ah.
Dunida halkee lagu arkay xukuumad aan wax dhaliilo ah lahayn. Hore looma sheegin lakiin isagu wuxu inoo sheegayaa in ay tahay xukuumadii dunida ugu horeysay ee aan haba yaraato eh wax lagu dhaliili karo lahayni in ay tahay tan uu madaxwaynaha ka yahay adeerkii Axmed Silanyo. MIyaan hadalka wasiirku ku xasuusi nayn,
HAYLAHA KA YARA DHACAY
HURDO NA WUU ISKAGA JIRAY
INTUU SOO HAMBAABIRAY
KUYEE HEELIYOY TOOS
IGA EEG KOR IYO HOOS
MIYAAN HOOLIF MOOYEE
HAL TURXAAN AH LEEYAHAY?
HA KA YAABIN BAY TIDHI

Wasiirku wuxu ka mid ahaan jiray koox diimeedkii Al Itixaad oo markii uu burburay hada na kooxi ba koox u soo dhiibtay hadda na wuxu ka tirsan yahay mid ama laba urur oo madaxtooyada Somaliland wakiil uga yahay. Miyaan la odhan karin waa basaas inagu dhex jira. Mida kale isla hadlkiisani miyaanu ka marag kacayn in uu yahay beenaale mise kitaabka uu haysto ayaan beentu xaaraan ahayn. Waxa nasiib daro ah in Haya’ddii Wadooyinka uu madaxwayne Silanyo isaga daraadii u baabi’iyo mashruucii wadada Berbera Tog Wajaale na galaafto.

Wuxu dadka u sheegaa in aanu ka soo horjeedno horumarka dalka oo been ah iyadoo waxa aanu diidan nahay na ay tuugadiisa, beentiisa, iyo musuq maasuqiisa uu u haysto in dalku yahay dhaxal isaga aabihii uu uga tegay.

Madaxwayne Silanyo waxa nasiib daro ah in wasiiradii fashiliyay mashaariicdii ugu muhiim sanayd dalka na uu yidhaa waa muwaadiniin wanaagsan oo daacad ah dhamaan intii dalkan u soo halgantay ee dhibaatada ugu badan u soo mutay na uu yidhaa waa beenaale yaal khaayimiin ah oo qaran dumis ah. Iska daa se waa abaal laawe iyo cadaalad daradiisii xumayd.

Wasiirka madaxtooyadu wuxu hayaa shaqo keliya waa na in uu jarka ka tuuro Madaxwaynaha, hawshaasi na si fiican ayay ugu socotaa waanu ku guulaysan doonaa hadii Alleh yidhaa. Waxa la yaab ah in Amiin Caamir uu intaa garto lakiin aanu Madaxwaynuhu garanin”.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed