|

Guddoomiye ku-xigeenka UCID oo si xun u weeraray Boqor Buur Madoow: KEE BOQOR AH MA BEEN MADOW.?

Hargeysa Sept 25,2014(SDN/QJ)-Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md Cali Gurey ayaa si ba’an u weerary boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow oo dhawaan muxaafid noqday.

Boqor Muurmadoow oo hore xukuumadu xabsiga u dhigtay ayaa haatan muxaafidnimo qabyaaladeysan ku difaaca xukuumada Axmed Siilaanyo. Cali Gurey ayaa qoraalka uu ku maagay Buurmadoow ku yiri:

“Waar waa qofka keliya een arkay ee ku faana waxan ahay JAAJUUS. Markuu asturayo wuxu ku odhanaya kuwaana nabadsuggidooda waan la shaqeeyaa kuwan kalena waan la shaqeeyaa. Oo saw kuwii kalena lama shaqaysid faro badanidee marka la yidhaa ayuu qosol u dhacaa oo xagiisa waaba ka amaan.Waar Cali dhegeyso imisaan la shaqeeya?, waar cid aanan la shaqaynini ma jirto. Waa basaas cid walba u basaasa cid wal uu u basaasona wuu basaasaa oo cid buu u basaasaa….
Ninkan dadka af legaadaynayaa budhcadnimo halka uu ka gaadhay waa la og yahay oo waa tuug xadhko goys ah. Madaxwayne Silanyo wixii uu odhan lahaa horuu u yidhi oo wax uu u reebay may jirin. Watii la xidhay hadana la soo dayay ilaa intii la soo daayay waxa lagu hayaa laaluush iyo baqe uu is leeyahay mar kale ayaa lagu xidhi. Waan u digaya badaha UCID haduu mar kale sida diqsiga daf soo yidhaa WAA SIBITOORE ha ogaado nejiska xumi” ayuu Cali Gurey qoraalkiisii ku soo gunaanaday.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed