|

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe:Waxba kama jiraan in aan xukuumada ku biirayo

Hargeysa July 13,2012(SDN)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal heyn suuqa ku jirta oo tibaaxeysa in dhawaan loo magacaabi doono wasiir.

Guddoomiyaha oo u waramay somalidiasporanews.com ayaa sheegay in hadalkaasi uu yahay dacaayad ay fidiyeen ashqaas xisbiga laga saaray oo xaasidnimo hadlaya.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dadka warka faafinaya ay ka xun yihiin in xubno miisaan lihi UCID ku soo biireen.

Hadalkan uu guddoomiyuhu sheegay in uu been abuurka yahay ayaa la baahiyay kolkii ay soo shaac baxday in Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo xubno kale oo UDUB ka soo baxay ay UCID ku biirayaan.

Xafalad uu xisbiga UCID usameeyay soo dhaweynta xubnaha cusub ee xisbiga ku biiray ayaa waxa ka qeyb galay in ka n]badan 800 00 ruux.

Weli kamey dhicin Somaliland xaflad xisbi siyaasadeed uu absaday oo intaas oo ruux ay ka qeybgashay.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed