|

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Arrimaha Murugsan Ee Jubbooyinka

Helesinki:21-April-2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Khilaafaadka ka taagan Degaanka Kismayo iyo dhinacyada isku Haya halkaasi.

faysal caliGuddoomiye Faysal oo u warramayey Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in jidka loo maray Dib u heshiisiina Jubbooyinku ay yihiin kuwa aan sax ahayn oo meel qaldan la marayo.

“22-kaa sanadood waddadii saxda ahayd ee Somalidu ku heshiinaysay lama marin markii kismayo la qabtayna waxay ahayd in kaligeed maamul loo sameeyo laakiin jubada dhexe iyo gedo oo wali la hasyo in kooxi intay iska fadhiisato waxan u arkaa qalad,” ayuu yidhi eng. Faysal Cali waraabe.

Guddoomiye Faysal ayaa xusay in inta badan Dadka somalidi ahi ay xilliyadii burburkii dawladii Somalia waxbadan kala tirsanayeen oo loo baahnaa in la is cafiyo inta aan maamullo la samaysan sida ay Somaliland samaysay oo kale, waxana uu yidhi,  “Somali way is dishay markaa iyadoo aan heshiis la samaysan oo aann la isku iman  sidii somaliland ayaa la yidhi dawlad wada samaysta, waxana loo wada qiyaasay inta Puntland Haysato, taasina waxy keentay in la isku dilo, habkaas oo dhamina wuu qaldan yahay.”

Shirkii  Addis ababa ayuu Guddoomiye Faysal ku tilmaamay mid Gebi ahaanba qaldanaa oo aan loo dhamaynin dadkii xaqa u lahaa inay tagaan, waxana uu yidhi,

“Shirkii Adis ababana wuu qaldanaa oo looma dhamayn, waxana ku heshiiyey dad aan dadka metelin oo kooxo ah oo qaarkood meeshaba aanay ku lahayn Awood Badan.”

 

S.D.N/QJ.

timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed