Guddoomiye Cirro wuxuu dhamaysanayaa wakhtiga loo wada kordhiyay isaga iyo Siilaanyo
Sidaynu baryahanba la socono xukuumada iyo xisbigeeda kulmiye iyo xidhibaanada u adeega waxay suuqyada galinayeen cirro ha baneeyo kursiga.
Runtii waa fikir diciifa, oo ay ku calaacalayaan xukuumada iyo xisbiga kulmiye iyo xildhibaanada mooshinka ku mamay ee foolxumada qaranka kula dhex jiraa, ka dib markii uu laf dhuun gashay ku noqday guddoomiye cirro.
Haddaba, waxaan shaaca uga qaadayaa in guddoomiye cirro uu u joogo golaha wakiilada hiilka qaranka, shacabkiisuna uu ku taageersan yahay, isla markaana ay mar ka wada degayaan Madaxwayne Siilaanyo, islamarkaa oo uu la wareegi doono Kursiga madaxwaynaha.
Waxaan idin leeyahay sidaas ku biyo caba, cirro wuu joogayaaye.
Cabdicasiis Maxamed Maxamuud