Guddoomiye Cirro Oo Markale Fadhigii Golihiisa Toddoba Cisho Dib u Dhigay iyo Kulamo Gooni Gooni ah oo Socda
Hargeysa:18-Feb-2014(SDN)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa Mar kale dib u dhigay Fadhigii Golaha oo Loo Ballansanaa inuu Furmo Maanta oo Salaasa ah.
Guddoomiye Cirro ayaa Sababta Dib u dhigga Fadhiga Golaha ku Macneeyey Dhexdhexaadinta Golaha Guurtidu ka Dhex Waddo Garabyada Wakiillada, waxana uu Mudanayaasha ku Wargeliyey inay Toddoba Cisho oo kale ku sii Darsadaan Fasaxoodii hore.
Shirguddoonka Guurtida oo iyagu dhexdhexaadin ku jira ayaa soo codsaday marka hore in muddo kale Golaha fadhigooda dib loo Dhigo, waxana taas oo Dhaweeyey oo ka Jawaabay Guddoomiye Cirro, isagoo Golaha Fasaxay ilaa Laga Gaadhayo Maalinta Salaasada ee Bishani Tahay 25-ka.
Dhinaca kale waxa wali socda fadhiyadii Qarsoodiga ahaa ee ay Labada garab ee Is hayaa ku qabsanayeen Meelo kala duwan oo Hargeysa ku Yaalla, waxana qolo waliba Hoosta ka Waddaa xeeladdii ay kaga Hortegi lahaayeen Mooshinka kooxda kale waddo.
Garabka Dhinaca xukuumadda ayaa iyagu inta badan ku kulma Meelo gaar u ah oo qarsoodi ah, waxana ay wali ku Dhegsan yihiin inaanay ka Tanaasulin Mooshinkooda haatan, maadaama ay isku Arkaan aqlabiyadii Golaha, waxana ka Go’an inay Maanta Guddoomiye Cirro Hilifaha u laabaan.
Dhanka kooxda Guddoomiye Cirro oo haatan Aan Cudud Ballaadhan oo midd shacabka Dhaafsan aan lahayn ayaan dab yar shidaynin, waxana kulamo Joogto ah oo ay leeyihiin ku Abaabulayaan Barnaamijyo Balballaadhan oo kaga Hortegayaan Cududa ka soo horjeedda, waxana ay ku foogan yihiin inay Bulshoweynta Garab ka Helaan oo ay Fadhikasta Baajiyaan.
Labada Dhinac ayaan wali wax tanaasul ah Muujinin, waxana wali laga Warsugayaa Guddidii Guurtida ee Dhexdhexaadinta ka Dhex wadday labada dhinac oo iyagu wali isku maqan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com