|

Guddoomiye Baashe Oo Markii Xukuumaddu Dagaalkii Cirro kaga Baxday Faysal Cali waraabe Ka Dalbaday Inuu Ka Saaro Go’doonka Siyaasadeed ee uu Galay

Hargeysa:1-Dec-2013(SDN)-Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashi Maxamed Faarax oo Dhawaan Qori dab leh ka oo uu  kasoo qaatay Madaxtooyada la soo Galay Golaha, ayaa Haatan u Noqday nin cidla dhexe dhexe Heehaabay.

ergadii-somaliland-22Guddoomiye Baashe oo markii hore fulinayey amar ay xukuumaddu fartay oo aanu caqiibadiisa Dambe ka fiirsanin, ayey Xukuumaddu kaga baxday dagaalkii ay gelisay, waxana Go’aankaasi ku Noqday Waji Gabax iyo Godob oo ku Beertay Saaxiib ay muddo badan Dhinaca isku hayeen oo ay duruufo adag  soo wada Mareen.

Xukuumadda oo Toddobaadyadii ugu dambeeyey Dagaal laxaad leh ku soo qaaday Kurisiga Guddoomiye Cirro, ayaa Dib uga guratay Arrintaas, ka dib markii uu Cirro  Imaanshihiisa Dhoolo tus weyn ku ibo furay ka sokow Hadallo culus oo uu hawada soo mariyey intii aanu waddanka imanin.

Hab dhaqankii ayaamahan ee Cirro iyo Hadalladii uu shacabka u sheegay markii uu soo Degey, ayaa xukuumadda Geliyey inay Go’aankaas hore wax Ka Beddesho oo ay faraha kala Baxdo hawlaha Golaha wakiillada, maadaama Goluhu hore u  ahaan jirey mid u adeega danaha Xukuumadda oo ay Dagaalkaasna u aragtay Gardarro aan Qabanin Golaha u fuliyey Hawlo badan oo ay haatan Maxsuulkoodii gacanta ku hayso.

Dib u gurashadan xukuumadda ayaa Guddoomiye Baashe Laf Dhuun Gashay ku Noqotay, maadaama uu isagu ahaa shakhsigii fulinayey  Amaradii xukuumaddu ku xajiimaynaysay Guddoomiye Cirro ee a la doonayey in lagu Baabi’iyo amarkiisii ku saaabsanaa isku shaandhaynta Guddi-hoosaadyada Golaha.

Guddoomiye Baashe ayaa sida ay sheegayaan wararka Hoose oo aanu Helnay shakhsiyaad badan oo waddanka Saamayn ku leh ka dalbaday inay ka shaqeeyaan Turxaan Bixinta iyo dhibaatada dhex taalla isaga iyo Guddoomiye Cirro oo ah mid uu isagu gacantiisa ku sameeyey.

Shakhsiyaadkaas qaar ka mid ah ayaa ka cudur daatay inay dhexdhexaadintaas galaan, waxase arrintaas u beer jileecay Guddoomiye Faysal cali waraabe, kaas oo Guddoomiye Baashe ka aqbalay inuu raadin doono xal arrintan laga gaadho.

Turxaan bixinta  uu Faysal ka dhex wado Cirro iyo Baashe ayaa Maanta loo ballansan yahay, waxana la Filayaa inuu labada  Guddoomiye iska hor keeno, islamarkaana dhameeyo waxa  haatan dhex yaalla labada Guddoomiye.

Baashe Maxamed Faarax ayaa isaga looga fadhiyaa inuu raalligelin cad ka bixiyo Fafqalaladii uu Baarlamaanka ku soo dhex tuuray, waxana lagu rajo weyn yahay intaas ka dib inuu Guddoomiye Cirrona toobaddaas aqbali doono.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed