Guddoomiyayaasha Hay’adda Madaxabanaan iyo Agaasimayaasha Guud waa Adhaxda Xukuumadi ka dhaqaaqdo
Waxaa baryan danbe soo if baxay dareen isku mida oo bulshada reer Somaliland si isku mida ay uga jawaabayaan, taas oo ku aadan gudomiyayaasha hayada madaxa banaan iyo agasimayaasha guud ee wasarada qaranku leeyahay, dhaliilahaas oo ay ka mid yihiin,
- Masuuliyiintaasi aan kor ku xusay oo badankoodu aanay aqoon iyo karti u lahayn masuuliyadaas loo igmaday
- Qaar ka mida masuuliyiintaasi waxaa hadheeyay xafiisyadii ay joogeen musuqmaasuq sababay maamul xumo,
TALO BIXIN
- Madaxweynuhu in aanu ku salayn siyaasada magaacabida agasimayaasha iyo gudoomiyayaasha hayada madaxbanaan hab beelaysan, madaama ay yihiin adhaxda xukuumadi ka dhaqaaqdo
- Waxaa haboon in lagu doorto aqoon, awoodiisa kartiyeed, daacadnimo, iyo sumcada ay bulshada dhexdeeda ku leeyihiin.
- Madaama ay arintaasi sababi karto in bulshadu si toosa uga hortimaado siyaasada xukumada, madaxweynuhu haku dadaalo in uu sameeyo shaqo ka fadhiisin, isku shandhayn, ku aadan masuuliyiintaasi aan kor ku soo xusay