|

Guddoomiyaha Xisbul Xaakimka oo ka aamusay Herdenka Gollaha Wakiilada,maxey tahay sababtu?

Hargeysa Feb12,2014(SDN)-Guddoomiyaha Xisbul Xaakimka Somaliland Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi ayaan lagu arag saaxada Siyasada inta uu haatan taagnaa khilaafka Shirguddoonka Wakiilada Somaliland.

Guddoomiyaha Kulmiye ayaa waxa khilaafka Shirguddoonka Wakiilada kala weynaaday muran qudhiisa hareeyay xisbul xaakimka shirweynihiisa oo mudaba taagnaa.

Guddoomiyaha oo dhinac ay isku hayaan Kulmiye qeyb ka yahay khilaafka Shir Guddoomka Wakiilada ayaa dhoosha danbe ka qoslaya.

Md Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale wakhtigan dheeriga ee uu helay uga faaiideysanaya sidii uu qodxaha uga sii guri lahaa qorshihiisa musharaxnimo ee xisbiga Kulmiye oo ay xumno ka mida xukuumada isku hayaan.

Si kasta oo ay tahay isweydiinta ugu badan ee Siyaasada ayaa aheyd waxa aamusiiyay Guddoomiyahan gar iyo gardarada looga bartay in uu ku difaaco xukuumada Axmed Siilaanyo.

Waxa xaqiiqo in kulamada u horeeya ee xisbiga Kulmiye suaalahaa iyo qaar kaleba la weydiin doono Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed