|

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo soo jeediyay in tirada Komiishanka Qaranka la kordhiyo

Hargaysa 14.June 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa soo jeediyay in Komishanka Qaranka la kordhiyo, taas oo uu ku sababeeyay baaxada ay leedahay doorashada soo socota.

Gudoomiyuhu isaga oo arimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan soo jeedinaynaa in xubnaha Guddida laga dhigo sagaal (9) xubnood . Waxaan waayo arag u nahay inaan todobada xubnood ku filayn xili doorasho, iyada oo loo baahn yahay in xubnuhu u kala baxaan dhamaan Gobolada dalka. Xarunta waa in ay joogaan ugu yaraan saddex xubnood si u sahlanaato xil gudashada culus ee xili doorasho. Waxaan kale oo jeedinaynaa in xisbi kastaa soo magacaabo 3 xubnood, loona miisaamo dhamaan gobolada dalka JSL. Arrinta komishanka Qaranka waxaan soo jeedinaynaa in xukumadda iyo axsaabta qaranku kulan wada tashi dhakhso isugu yimaadaan.” Sidaas waxa uu ka sheegay khudbad uu ka jeediyay xaflad ambassador loogu qabtay siyaasiyeen ku soo biiray.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed