Guddoomiyaha Xisbiga UCID:Qoladii Wadani oo igu mashquushay,anigu ma waxaan ka mid ahay Guurtida sideen ugu kordhiyaa mudada madaxweyne Siilaanyo
Hargeysa Dec 30,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md Faysal Cali Waraabe oo la soo iriiray qurbejoog.com ayaa waxa uu inooga waramay hadalo dhawaan ku soo noqnoqonayay saxaafada oo lagu sheegay in Guddoomiyaha UCID uu ogolaaday in mudada loo kordhiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo.
“Qoladan Wadani oo beryahan igu mashquulay ayaa beryahan suuqa geliyay in aan ogolaaday mudo kordhin loo sameeyo madaxweyne Axmed Siilaanyo”ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha UCID ayaa horaantii bishan sheegay in xisbiyada UCID iyo Kulmiye ay xiligii madaxweyne Daahir Riyaale uu mudada kororsaday in ay soo dhisaan dawlad wadaag ah, isla markaana uu heshiiskaasi weli yahay mid UCID ay aaminsan tahay.
Guddoomiyaha UCID ayaa sheegay in bacdaamaa aanu ka tirsaneyn gollaha Guurtida aanu awood u laheyn mudo kordhin loo sameeyo madaxweynaha.
“Anigu ma waxaan ka mid ahay Gollaha Guurtida sideen uGu kordhin karaa mudada madaxweyne Axmed Siilaanyo”ayuu mar kale yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Si kastaba ha ahaatee cid walba oo saxaafada u sheegtay in Guddoomiye Faysal u dabacsan yahay mudo kordhinta waxa saxaafada Somaliland ay aad u hadal heysa mowqifka Guddoomiyaha UCID ee mudo kordhin loo sameeyo madaxweynah Somaliland.
SDN/QJ-Hargeyssa