|

“Guddoomiyaha xisbiga UCID oo ka dhex muuqda gole aan sharci ahayn , waxaanu faraynaa xisbiga UCID inay arintaas talaabo ka qaadan Guddidana u soo gudbiyaan jawaabtaas” Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada

Hargaysa 20.July (SDN) War saxaafadeed maanta ka soo baxay Gudida Diiwaangelinta ururada siyasadda iyo ansixinta Axsaabta Qaranka ee JSL ayay ku go’aamiyeen in Golaha loogu magic daray wada tashiga iyo toosinta Qaranka ee  ay dhowaan ku dhawaaqeen xubno siyaasiyiin ahi uu yahay sharcidarro aan waafawsanayn shuruucda dalka. Isla markaana Xisbiga UCID ka dalbaday in uu tallaabo ka qaato xubinimada gudoomiyaha Xisbigu uu kaga mid noqday golahaasi sharcidarada ah.

Go,aan Guddi

Laga soo bilaabo la soo noqoshadii qaranimada Somaliland 1991 kii waxa Somaliland ku gulaysatay inay samaysato dastuur qaran iyo xeerar ka farcama,

Xeerarkaas oo ay ka mid yihiin qayb ku saabsan nidaamka siyaasadeed ee dalku yeelanayo sida ay tilmamayaan Qodobada 9aad , 22aad Iyo 32aad ee Dastuurka Qaranka iyo xeerarka  kafarcamay sida Xeer No 14 iyo Xeer No 20 .

Xeerarkani waxay dejiyeen habraaca siyasadeed ee qaranku yeelanayo iyo sida looga qayb gelayo hadaba isu tag  kasta ama cid kasta oo isku abaabusha nidaamka khilaafsan habkaa xeerarku dejiyeen waa sharci daro .

Hadaba Guddiga Diiwangelinta Ururada Iyo Ansixinta Axsaabta Qarnku markay markay aragtay Qodobada 9aad 22aad iyo 32aad ee Distoorka Qaran iyo xeerarnka ka farcamay Xeer No 14  iyo Xeer No 20 

 Waxay Soo Saartay Go’aankan

1)   In golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka ee ay ku dhawaqeen koox siyaasiyeen ahi,  uu yahay sharci daro aan meelna ka waafqasanayn shuruucda dalka J.S.L

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo ka dhex muuqda gole aan sharci ahayn , waxaanu faraynaa xisbiga UCID inay arintaas talaabo ka qaadan Guddidana u soo gudbiyaan jawaabtaas .

 

Allaa mahad leh

 

Saxeexa iyo magacyada  Guddida  

  1. Abdi risaq Jamac  Omar
  2. Aadan Geedi Qayaad
  3. Omar  Hassan  Ahmed
  4. Hassan Ahmed Du,Ale
  5. Maxamed  Abdi Maalik
  6. Ismail Abdilahi Ali
  7. Abdale Ibraahim  Mahamed

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

 

Comments are closed