Guddoomiyaha Wakiilada Somaliland oo Muuse Biixi Dhaliilay
Hargeysa January 02, 2023 (QJ) – Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo isna markii u horeysay ka hadlay xaada Laascaanood ayaa Xukuumadda Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Muuse Biixi ku eedeeyay in ay qaadaneyso mas’uuliyadda tacadiyada halka ka dhacaya.
Gudoomiye Cabdirisaaq oo u waramay bbcda ayaa in dad badan dhibaato soo gaarto dusha u saaray siyaasad xumada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo maamulka Gobolka Sool iyo ka Magaalada Laascaanood.
Guddoomiyaha Gollaha Wakiiladu waxaa uu sheegtay in caburin iyo xoog aan xalku ku jirin balse loo baahanyahay in maamulka Muuse Biixi la yimaado qorshe ay wax kaga qabanayso dhibaatooyinkii keenay in ay dadku kacaan.
Hadaladan ayaa imanaya xili magaalada Laascaanood ay mudo todobaad ah ku jirtay xaalad degenaansho la’aan ah oo oo iminkana magaalada laga dareemayo barkac. Ciidamda Somaliland iyo dadka reer Laascaanood ayaa weli wadooyinka isbaacsanaya halka dhimashadana la sheegtay in ay haatan gaareyso ilaa 20 ruux dhaawacuna intaa ka badan yahay.
Dadka degaanka ayaa markii hore kacdoonkoodu ku saleysnaa in Somaliland waxba ka qaban weydey dilalka qorsheysan ee Laascaanood mudada ka socday, balse iminka dibedbaxayaashu waxa ay dalbanayaan in Somaliland degaanadooda ka baxdao.