|

Guddoomiyaha Waddani oo ka horyimi heshiiska Itoobiya

Hargeysa January 09, 2024 (QJ) -Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ugu weyn Somaliland ee Waddani, Xirsi Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Waxa uu sheegay in shacabka intooda badan ay shaki ka qabaan heshiiskaas, isaga oo carabka ku dhuftay in xukuumadda Somaliland aysan sharaxaad waafi ah ka siin shacabka qodobada heshiiska.

Waxa kale oo uu xusay in isfahamka la gaadhay aanu macnaheedu ahayn in Itoobiya ay si rasmi ah u aqoonsan doonto Somaliland, isaga oo soo jeediyay in Itoobiya ay ka fikirayso aqoonsiga marka ay danaheeda gaarto.

Waxa uu taa ku sifeeyay xaalad mugdi ku jiro, isagoo xusay in ay jiraan wadamo haysta aqoonsiga dalal dhawr ah oo aan hadana ka mid aheyn beesha caalamka sidaa darteedna aaney aqoonsiga dal qura Somaliland waxba ku soo kordhineyn.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhawaan wada gaadhay heshiis ku saabsan in Itoobiya laga kireeyo dhul dhan 20 KM oo ka mid ah xeebaha Somaliland.

Itoobiya ayaa la filayaa in heshiiskan dartiis ay u aqoonsato Somaliland, inkastoo warkaas uu yahay mid aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Comments are closed