Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidanka Somalia Oo Hanjabaaddii ugu Cuslayd u Diray Waalidiinta Dhashay Dhallinta Shabaabka Ka Tirsan
Muqdisho:June,30,2014(SDN/QJ)-Hoggaanka dhawaan loo magacaabay Maxkamadda sare ee Ciidanka Somalia Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare, ayaa Hadal Kulul oo Hanjabaad ah u jeediyey Dhammaanba kooxaha Al-shabaabka ka tirsan eek u sugan Magaalada Muqdisho iyo Waalidka dhalayba.
C/raxmaan Tuur-yare ayaa waxa uu sheegay in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay doonayaan weeraro inay ka geystaan Magaalada Muqdisho, laakiin wuxuu sheegay in qofkii Shabaab ka tirsan oo Hay’adaha amniga ay qabtaan, kadibna ay ku cadaato inuu Shabaab yahay inaan la cafin doonin.
Guddoomiye Tuur-yare ayaa waxaa uu sheegay in waalidiinta dhalay dhalinyarada la qalday ee kamidka ah Al-Shabaab inay u soo sheegaan hay’adaha amniga Soomaaliya si dabagal loogu sameeyo, hadii kale talaabo sharci ah laga qaadi doono Waalidiinta.
“Waalidkii ogaa in wiilkiisa ama gabadhiisa ay ka mid noqdeen Al-Shabaab u soo gudbi hay’adaha amniga, si loo daba galo, hadana daba socda dambiilihii damigaasi wax buu ku leehayay, marka inta ay goori goor tahay wargeli hay’adaha amni ee kugu dhaw” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Tuuryare.
Tan iyo markii xilkaan loo magacaabay C/raxmaan Tuur-yare wuxuu hanjabaado kala duwan oo isdaba joog ah udiray Dhalinyarada Al-Shabaab ka tirsan ee Muqdisho iyo Gobalada dalka ku sugan.
Shabaabka hubaysan ee Dowladda kasoo horjeeda ayaan dhaq-jalaq usiin Hanjabaadaha kasoo yeedhaya Saraakiisha ciidamada Dowladda iyo masuuliyiinta Maxkamadaha ciidamada.
Hadalkaan ayuu C/raxmaan Tuur-yare Guddoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada wuxuu ka jeediyay shalay Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho oo lagu xukumay rag lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dil loo geystay gabadh ardayad aheyd oo lagu magacaabi jiray Nafiso Salaad Cusmaan, waxana kooxda ku lug lahaanshaha dhacdadaas ku eedaysnayd lagu xukumay Dil iyo xabsi daa’im.
SDN/QJ-
Contact@somalidiasporanews.com