|

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya oo cabsi darted dalbaday ciidamada AMISOM iyo jawaabtii uga soo noqotay

Muqdisho July 14,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Soomaaliya Ceydiid Ilko-xanaf ayaa saxaafada u sheegay in uu codsi u diray ciidamada Africa ee Muqdisho ku sugan si loo sugo amaanka xafiisyada iyo shaqaalaha Garsoorka dalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay jirto halis amaan oo heysata garsoorka dalka isla markaana aaney qabsan kareyn hawshii loo igmaday.

Arintan ayaa ku soo beegmeysa ka ib kolkii uu khilaaf soo kala dhexgalay wasiirka Cadaalada ee xukuumada Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka.

Ilko-xanaf waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay ku gacan seyreen dalbkiisa isla maraana ay jirto xaalad amaan.

Magaalada Muqdisho ayaa bilihii u danbeeyay waxa lagu dilay masuuliyiin fao badan oo qaar ka mid ahi dilalkoodu ay ku beegmeen xiliyo ay jireen khilaafaadyo u dhexeeyay iyaga iyo madaxda dalka.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed