|

Guddoomiyaha Ku Meelgaadhka ah ee KULMIYE oo Weedho Iska Dhaadhicin ah Ku Difaacay Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa Nov 25,2012 (SDN/Hubaal)- Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay Madaxweynaha Iyo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ay xaq u leeyihiin inay ka qeyb galaan ololaha doorashadda deegaanka. Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha iyo Ku xigeenku ay ka soo baxeen kana tirsan yihiin xisbiga KULMIYE isla markaana ay sharci tahay inay u ololeeyaan xisbigiisa.

Madaxweynuhu inuu Ololeeyo oo uu KULMIYE u olaleeyo oo aanu hadh iyo habeenba seexan waa waajib saaran. Madaxweynuhu xisbi buu ka yimid. Dawladdana xisbi baa haya oo uu siyaasadiisa fulinayaa. Waa caadi inuu ololeeyo. Madaxweyne Obama miyaanu xisbigiisa dimuqraadiga u ordin oo aanu shaadhka ula bixin,”ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE oo caawa u waramayay HCTV.

Guddoomiyaha KULMIYE oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Madaxweynuhu miyuu kursiga sii fadhiyayaa haddii uu KULMIYE u adeegi waayo. Todobada Urur waxay ku soo socdaan Kursiga madaxweynaha, waliba ninka ay ku soo socdaan waa isaga waxa ka ilaalinayaana waa sida xisbiga KULMIYE kolba u hanto dadweynaha.”

Md. Muuse Biixi waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha, Madaxweyne Ku xigeenka iyo Golaha Wasiirradu ay “Markaa Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Wasiirradu waxay  kuraasida ku yimaadeen codad siyaasiya. Waa inay ordaan oo ay hawsha ugu weyn ee ololuhu iyaga ku dhacdaa. Sidee baan u maqli karnaa iyadoo la leeyahay Madaxweynihii iyo Madaxweyne Ku xigeenkii ayaa ololeynaya.

Ololaha xisbigiisa wuu wadayaa imikaba maahee inta uu nool yahayba.” Md. Muuse Biixi waxa uu intaasi ku daray in Hoggaamiyeyaasha xisbiyada iyo ururadda siyaasaddu ay yihiin dad masuuliyiin ah, waxaanu yidhi “Anigu dadka xisbiyadda Hoggaaminaya waxaan ku kalsoon nahay inay yihiin dad masuuluyiin ah oo dal jecel oo doonaya inay dalkan horumariyaan. Uma arko rag u quudhi kara Somaliland fadqalalo iyo xumaan. Shacbiga Somaliland-na kama war-warsani nabadda iyo colaadaba,  wuu yaqaanaa doorashooyin horena way soo galeen.”

“U Malayn maayo in qof ku muusanaabay kursi baa la iga qaaday wax ka badan codkii baan ku siiyay ay ka yeelayaan,”ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi. Guddomiyaha oo la weydiiyay waxay kaga jawaabayaan eedo ku saabsan inay fadhataysanayaan Murashaxiinta ururadda mucaaridka ah, waxaanu tilmaamay inaanay arrintaasi haleelaynba oo ay hawlaha kale ee xisbigoodu ka badan tahay arrintaasi. Waxase uu ku dooday inay jireen reero iyagu tashaday oo musharaxiintoodii kala reebay.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed