|

Guddoomiyaha Haatuf Oo Maanta Loo Ballansan Yahay In Xukun Lagu Rido

Hargeysa:June,24,2014(SDN/QJ)-Waxa Maanta oo Bishu Tahay 24-ka June Lagu wadaa in la soo gunaadano xukunka lagu ridayo Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe oo muddo ku jirey Gacanta Ciidamada Ammaanka.

ina gaboobeXukunkana yaa lagu wadaa inay riddo maxkamadda Gobolka Hargeysa oo Toddobaadkii hore soo afmeetay dhegaysiga Dawcwadda Guddoomiyaha loo Hayso oo ay dhibanayaal ka yihiin xubno ka tirsan Golaha wasiirradu.

Ururada saxaafadda, Hay’adaha Xuquuqul iinsaanka iyo xisbiyada   Mucaaridka ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan xukunka lagu ridayo Guddoomiye Yuusuf Cabdi Gaboobe, waxana aan la garan karin muddada xukunku noqon doono.

Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa horraantii bishii May ee ina dhaaftay jeelka la dhigay, waxana taas ka horreysay In Horraantii  bishii April Albaabada Loo Laabo Xaruntiisii wargeyska oo haatan ah Xero Ciidan.

Xubnaha dhibanaha ka ah dacwadda loo Haysto Guddoomiye Yuusuf cabdi gaboobe ayaa waxa ka mid ah Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Macdanta iyo waliba Wiilka uu Madaweyne Siilaanyo Soddogga u yahay ee Baashe Cawil.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed