|

Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Oo Wali Shacabka La Hortaagan Indho La’aantii Uu Ku Daawanayey Xildhibaanada ku Eedaysan Sharcijabinta

Hargeysa:2-Oct-2013(SDN)-Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Ururrada iyo Axsaabta Qaranka Cabdirisaaq Jaamac Ciyaale ayaa wali sii wata inuu Aamusnaan ku daawado  muranka sharci ee ku saabsan xildhibaannadii dhawaan sheegay inay ka Baxeen xisbiga Ucid kuna Biiray Xisbul-xaakimka kulmiye.

 

diiwaangelintaGuddidan uu Horjoogaha u yahay Cabdirisaaq Jaamac Ciyaale, ayaa  illaa iyo Hadda  ka cago jiidaysa inay jawaab Sharci ka bixiso  xildhibaanada dhawaan sheegay inay ka tageen xisbigii ay  ka soo  baxeen ee Ucid,  ayaa loo arkaa Tallaabo ay Guddidu doonayso inay Dalka kaga Abuuraan Xaalad isku dhac Bulshada dhexdeeda ah, waxana jira warwar ah in tallaabooyinka Noocaas ahi Haddii aan wax laga qabanin ay  marxal aan fiicnayn waddanka Gelin karaan.

 

Waxa maalinba maalinta ka dambaysa isa soo taraysa muranka iyo  Hadallada iska horimanaya ee ku taxalluqa munaasibaddii dhawaan labada xildhibaan ee ka soo jeeda Golaha Deegaanka ee Berbera loogu qabtay Magaaladaas, taas oo ay ku sheegeen inay ku biireen Xisbiga Kulmiye, iyadoo xisbiga UCID-na  shaaca ka qaaday inay diyaariyeen Beddelkii Labadaas xildhibaan, islamarkaana ay sidaas ku lumiyeen xubinnimadoodii Golaha Deegaanka iyo middii xisbigaba.

Guddida Diiwaangelinta oo iyagu Gacanta ku Haya Xeerka Lagu Kaantaroolo Axsaabta iyo  waliba Xubnaha Golaha Deegaanka ka soo jeedo axsaabta, ayaa iyaga in muddo ahba laga sugayay inay ka hadlaan  inay xildhibaanadani xaq u leeyihiin inay ka  baxaan xisbigii ay ka soo baxeen iyo in kale, iyadoo  Haatan xisbiga ucid aaminsan yahay in la beddelo labadaas Nin.

Guddida Diiwaangelinta Urrurada iyo Axsaabta Qaranka oo Hawlwaddeeno ka tirsan Shabakadda wararka ee Qurbejoog iyo  wargeyska Hubaal  Maalintii shalay kula kulmeen Madaarka Cigaal, islamarkaana isku  dayeen inay wax ka weydiiyaan murankan sharci ee ka abuurmay Arrintan xildhibaanadu ku dhaqaaqeen, ayaa si masuuliyad darro ka muuqato ugu jawaabay inaanu Arrintaas ka hadlaynin, waxana uu si cad u sheegay inuu Arrintaas u badheedhay inuu Aamus kaga jawaabo, waxana  uu si aan ka gabasho lahayn u qiray inaanay jirin wax ku khasbaya inuu arrinta ka hadlaa.

Guddoomiye Ciyaale oo  Aamusnaantiisani sii Fogaynayso Ragaadka uu murankani keenayo, ayaa u muuqda mid aan diyaar u ahayn inuu Bulshada iyo Axsaabtaba ku kala saaro Sharciyadda uu Gacanta ku hayo, waxana uu ka badheedhsan yahay inuu ku rafto runta ah inay Xildhibaanadani si cad u jabiyeen sharciga ku xusan Xeer No\14, kaas oo  sheegaya inaanu xildhibaanku ka Bixi Karin xisbiga uu ka soo baxay ilaa la gaadhayo sanadka ugu dambeeya.

Guddoomiye Ciyaalle oo Haatan muddo dheer waddanka isaga iyo Guddidiisu Dalka kaga qaadanayeen Lacag adag, iyadoo aanay jirin wax Hawl ah oo ay qabtaan, ayaa markii ay soo baxday Hawshii Loo Igmaday ee ahayd inuu Xisbiyada haatan jira ku ilaaliya sharciyaddooda, waxa uu sii fogaynayaa xalkii laga gaadhi lahaa  sheegashada Xisbiga Ucid ee ka dhanka ah Xildhibaanada Doolaalo raacay ee ku Biiray Kulmiye.

Sidoo kale waxa uu Ina Ciyaale maalinba maalinta ka dambaysa sii daawanayaa kala fogaanshaha shacabka  aragtiyaha kala duwan ku macanaystay arrintan, waxana uu wali ku sii adkaysanayaa inuu ku dhawaaqo inuu tallaabadii ku habboonayd ka qaado Xildhibaanadan sharci-jabinta ku Eedaysan.

Haddii uu Guddoomiye Ciyaale oo haatan wax fudud u haysta arrintani uu ku sii adkaysto inuu ka aamusnaado shaqadiisa isagoo ka hagranaya Xisbiga Kulmiye, waxa dhici doonto inay arrintu gaadho meel aan laga soo kaban Karin oo ay ka dhalan karto dhibaato  maanta wax ka qabashadeedu taagan tahay, balse Berri aan la Hubin in la xallin karo.

Guddida Diiwaangelinta ayaa tan iyo intii la sameeyey kaliya taariikhda ku gashay inay Reebtay Ururradii ugu tunka weynaa ee loo han weynaa inay soo baxayeen, waxana ay soo saareen Ururro aan bulshadu saadaashaba ku darsan oo soo Bixitaankooda muran badani ka dhashay, walina taariikhda laguma Hayo wax aan intaas ahayn oo ay qarankan u qabtaan iyagoo kaliya iska qaata lacag aad u badan oo waddanku si aad ah ugu baahnaa.

Haddaba waxa ay shacabku is weydiinayaan sababta ay  Guddidani uga Habranayso shaqadeeda ee ay uga aamusan tahay waxyaabaha ay awoodeedda leedahay,  islamarkaana sii kala fogaynaya bulshada ee u baahan in Halkeeda loogu tago.

Guddidan Diiwaangelinta ee iyagoon wax shaqo ah qabanin qaranka kaliya ku haya culayska Dhaqaale, ayaa Haatan ku qasban inay si cad oo aan gabasho lahayn ugu jawaabaan cidda sharciga dhabarjabinta ku haysa, waxana looga Baahan yahay inay sharciga ku Haggaan Xisbiga Xukuumaddu ka soo jeeddo oo Haatan lagu eedaynayo inuu Jabiyey Qodob ka mid ah Xeer.NO/14.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed