Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Oo Yididiilo Ka Muujiyey Shirweynahooda, Daboolkana ka Qaaday Isu Soo Dhawaansho ay Mucaaridka La Gaadheen
Hargeysa:19-Dec-2013(SDN)-Iyadoo ay haatan Soo Kordhayaan Niyad-xumada laga Muujinayo Qabsoomadda Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee ee u astaysan Dabayaaqada Bishan Gebegebada ah, ayaa waxa arrintaas ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac shabeel.
Jaamac Shabeel oo La Hadlayey Warbaahinta maalintii shalay, ayaa tilmaamay inuu raji fiican ka qabo inuu shirku qabsoomo xilligii loogu talo galay, waxana uu tilmaamay in Guddidii arrintan u xilsaarnayd ay hawlahoodii sii facan u wataan, kulamana ay yeesheen, “shirka wakhtigiisii waa dhaw yahay hawshiisiina waa lagu jiraa, guddidii qaban qaabaduna way fadhiisatay hawshiina iyada ayaa gacanta ku haysa, guddidaas ayaana laga sugayaa inay qaban qaabada ku dhameeyaan wakhtigii u qoondaysnaa shirku oo ay hawsha ku diyaariyaan iyagana rajo fiican ayaanka qabaa inay xilkaas ka soo bixi doonaan , xubnihii hore iskaga casilayna guddida qaban qaabadana waa la buuxiyey.” Ayuu Yidhi Jaamac Shabeel.
Dhinaca kale waxa uu Guddoomiyuhu ka Hadlay shirka Doodda Qaran ee Axsaabta Mucaaridka ahi hadal hayaan inay Qabtaan, waxana uu ku dooday inay ka Biyo diiddan yihiin in Erayga Qaran meesha lagu soo Daro, isagoo tilmaamay inay Ogol yihiin in la doodo oo la wada Fadhiisto, waxana uu xusay in Haatan wada Hadallo meel Fiican marayaa u socdaa, waxana uu yidhi, “meesha ciladan ku jirtaa waa erayga qaran cida shiraysa iyo cida wax dhaliilaysa maaha wax aanu diidayno, dooduna waa caadi oo waanu ogol nahay walibana anaga ayaa diyaar u ah inaanu la galno oo aanay gidaar cidla ah fadhiisan balse ah keenaan qodobada ay ka hadlayaan iyo ajanduhu waxa uu yahay anaga ayaana diyaar u ah inaanu kal fadhiisano oo aanu kala doodno,marka ay dood noqotana waa inay jiraan laba dhinac oo iska soo hor jeeda , haddi aanay anaga nala doodayna cida kale ee ay la doodayaan waa ayo cida ay la doodayaan waa inay noqotaa xisbul xaakimka imikana waanu wada hadalnay oo xidhiidh ayaa noo socda.”
Xilligii loo ballansanaa in lagu qabto shirweynaha xisbiga kulmiye, ayaa haatan wax aka hadhsan wax ka yar Toban cisho, walina ma muuqato inuu shirkaasi xiligiisa qabsoomayo, maadaama qabyooyin iyo tabashooyin badani soo baxayaan, waxana ay taasi keentay inay shacabku si weyn uga hadlaan wax aka soo naaso cad shirweynaha xisbigaas oo lagu wado in kala jab weyni xisbiga ka soo gaadho.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com