Guddoomiyaha Gobolka Salel oo booqdey Degaano Gobolka Hoos taga
Hargeysa April 19,2012(SDN)-Gudoomiyaha Gobolka Salel Maxamed Muuse Bucul oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Ciidamada ayaa socdaal shaqo ku soo maray degmada xariirad ee gobolkaas iyo deegaanada ku xeeran.
Gudoomiyaha gobolka oo uu socdaalkiisa ku weheliyey taliyaha qaybta Booliska ee Gobolkaasi Maxamed cabdi Axmed ayaa ujeedada socdaalkoodu waxay la xidhiidhay sidii ay xog ogaal ugu noqon lahaayeen xaaladda deegaanadaas ee dhinacyada adeega bulshada iyo baaxadda ay leedahay abaarta deegaankaasi ka jirta.
Kulan ay mas’uuliyiinta gobolku magaalada xariirad kula yeesheen madaxda heer degmo iyo dadweynaha deegaankaas ayaa wazxay ka xog waraysteen xaaladda nololeed ee dadka iyo duunyada, halka sidoo kalena ay u kuurgaleen halka ay marayso dhaqdhaqaaqa arimaha bulshada gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka iyo Biyaha.
Gudoomiyaha gobolka Salal Maxamed Muuse Bucul waxa uu dadweynahii uu la kulmay u balanqaaday inuu dhowaan soo gaadhi doono Mashiin biyood oo Somaliland ka heshay dawladda aynu deriska nahay ee Jabuuti. kaasoo wax ka tari doona sidii loo dabooli lahaa qayb ka mid ah baahidii biyaha ee gobolka Salal ka taagnayd.
Dhanka kalena weftiga gudoomiyaha gobolku waxay socdaalkooda ku soo mareen tuulada Cabdiqaadir oo ka tirsan degmada Xariirad ka hor intii aanay dib ugu noqon magaalada Saylac, iyagoo intii ay joogeen Tuulada Cabdiqaadir sii waday kulamadooda ay xog ogaalka ugu noqonayaan xaaladaha bulsho ee deegaanadaasi.
SDN-Hargeysa