|

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee Xisbiga Ucid Oo ku Gooddiday Inaanu Kacdoonka Shacabku Istaagayn inta Cabudhintu Bulshadu Socoto

Berbera:24-Dec-2013-(SDN)-Rabshado lagu diiddan yahay Tallaabooyin shacabku saluugay oo ay xukuumaddu ka waddo gobolka Saaxil ayaa keenay in madaxda Axsaabta  qaranku si weyn uga hadasho.

 

roodaGuddoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil Rooda Axmed Yaasiin, ayaa  Noqotay masuulkii ugu horreyey ee mucaarid ah ee si muuqata uga hadashay dhib ay sheegtay in xukuumaddu ku hayso shacabka Gobolka Saaxil.

Rooda Axmed Yaasiin oo saxaafadda u warrantay, ayaa sheegtay inaanu istaagayn kacdoonka ka bilaabmay magaalada Berbera, islamarkaana aanay magaaladu noqon doonin mid xukuumadda Siilaanyo iyo Kulmiye inta ay xilka hayaan lagu boobo goobaha ilaha dhaqaale ee ku yaal.

 

“Waxaan u sheegaynaa dadweynaha reer Saaxil, Somaliland iyo qurbojoogga inaanu istaagayn kacdoonkaa maanta Berbera ka bilaabmay, annaguna aannu hormood ka noqonayno, maadaama dadka lagu dullaynayo, magaaladana noqotay magaalo marka Siilaanyo iyo Kulmiye xilka hayo in dadka laga boobo hantidoodii iyo ilihii dhaqaale ee Somaliland u dhexeeyay. Waxaan leenahay cidna uga dulqaadan mayso, booliska iyo affarta Nin ee Gobolka haysta ma noqonayaan, dadka Berberaa ka badan, dadka reer Somaliland baa ka badan, dadka Saaxil baa ka bada.” Ayay tidhi.

 

 

Rooda Axmed Yaasiin waxay ka hadashay mudaharaadkii ka dhacay Berbera, waxaanay tidhi,  “Waxaan ka hadlayaa Marxalado badan oo maanta ka taagan Berbera oo ay ka mid tahay, in maalin walba qof la yidhaahdo soo eego meel ka  bannaan Berbera, maanta marxalladii ugu xumayd ee dagaal iyo dil ka dhici gaadhay Xarunta Nag Fishta oo la iibiyay oo dad la soo siiyay, iyadoo dadkii illaa xilligaas ilaalinayay la xidhay oo la garaacay, saldhiggana lagu guray.”

 

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil Rooda Axmed Yaasiin waxay intaa ku dartay in sarkaal ka socda madaxtooyada oo Berbera ka shaqeeyaa uu goobta Nag Fish kula dagaallamay Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera oo qiimaynayay xaaladda goobtaas.

 

Magaalada Berbera ayaa haatan aan laga soo sheegin wax mudaharaad ah,  balse waxa wali taagan kacdoonkii dadku kaga soo horjeedeen tallaabadan xukuumaddu qaaday, iyadoo aan wali wax waan waan ah arrintaas laga gelin.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed