|

Guddoomiyaha G/Bari Oo Sheegay Inay Yaraatay Cabsidii Shabaab Ay Ka Qabeen

Boosaaso April 11 2013 (SDN)— Guddoomiyaha Gobalka Bari ee maamulka Puntland C/samad Maxamed Galan ayaa ka hadlay ammaanka Gobalka uu Guddoomiyaha ka yahay.

C/samad Galan ayaa sheegay in xaalada ammaan ee Gobalka Bari ay tahay mid wanaagsan gaar ahaan inay aad uyaraatay walaaca shacabka reer Boosaaso ay ka qabeen shabaabka ku sugan buuraha Gal-gala.

Wuxuu sheegay in yaraanshaha cabsida Shabaab ay ku timid kadib markii ciidamada ammaanka ee Magaalada Boosaaso ay si aad ah ula dagaalameen Shabaab taasi oo keentay inay durkaan xoogaga ku sugan Buuraha Galgala ee Gobalka Bari.

Al-Shabaab ayaa ku sugan buuraha Galgala oo ku dhaw Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari halkaasi oo ay xilliyada qaar kasoo qaadaan dagaalo ay ku qal-qalgeliyaan ammaanka Magaalada Boosaaso.

SDN-Boosaaso 

Comments are closed