Guddoomiyaha dhaqanka Soomaaliyeed Suldaan Cabdicasiis Cumar Daar (Suldaan Bayle) oo Madaxweynaha Somalia iyo Beesha Caalamkaba ka dalbaday Aqoonsiga Somaliland
Muqdisho 29.June 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha dhaqanka Soomaaliyeed Suldaan Cabdicasiis Cumar Daar (Suldaan Bayle) ayaa waddamada caalamka iyo madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inay madax banaani buuxda siiyaan Somaliland.
Guddoomiyaha dhaqanka Soomaaliyeed Suldaan Cabdicasiis Cumar Daar (Suldaan Bayle) oo ah Suldaanka beelaha Daarood, ayaa ummadda reer Somaliland ku hambalyeeyay munaasibadda 54-aad ee 26-ka Juun, waxa uu tilmaamay aqoonsigii ay Somaliland aqoonsadeen madax-dhaqameedka Soomaaliyeed uu isa soo taray, isla markaana ummaddd ay hogaamiyaan ay la qaateen, waxaanu dawladdaha adduunka ugu baaqay inay ictiraafaan Somaliland.
Suldaan Bayle oo ugu horeyn hambalyo u diray ummada reer Somaliland waxa hadalkiisii ka mid ahaa, “Waxaan salaan iyo hambalyo u dirayaa ummadda reer Somaliland. Maanta (doraad) waa maalin balaadhan waa maalintii xoriyadda ay qaadatay Somaliland 26-ka June ee 1960-kii, waa maalintii walaalnimada Soomaaliyeed ay keeneen Muqdisho reer Somaliland.”
Suldaan Cabdicasiis Cumar Daar waxa intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata, “Waxaan ahay odayadii madax-dhaqameeddada ahaa ee halkan (Somaliland) yimi 18-kii May 2014, guddoonsiiyay, kuna wareejiyay kana gooyay Soomaalida kale ayaanu nahay suldaankii ku dhawaaqay ayaan ahaa, warkayagii wuu isasa soo taray Soomaaliya oo dhan baa qaadatay, madaama aanu dhaqankeedii nahay, madaama aanu halkii loo noqonayay nahay, madaama aanu saxeexiina aanu hayno, anaguna warka iskamanaan yeelin ama iskamaanu odhane ummadda reer Somaliland oo dhan markii aanu dhexgalnay markii aanu eegnay, markii aanu shirar badan la yeelanay waxaa noo soo baxday inay ka go’antahay in ay madaxbanaanidooda helaan sababihii ku kelifay, markaanu waydiinay jawaabtii ay nasiiyeen ayaanu ka jid qaadanay.”
Gudomiyaha dhaqanka Soomaaliyeed Suldaan Cabdicasiis Cumar Daar (Suldaan Bayle) waxa uu caalamka ugu baaqay inay aqoonsadaan Somailand, “Waxaan u sheegayaa caalamka ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba oo Soomaali koonfureed ah waxay ogolaatay mar haddii dhaqankeedu ku dhawaaqay inay madax banaanidoodii isku raacaan oo si toos ah oo walaatinimo ugu wareejiyaan, markaa adduunka waxaanu ka codsanaynaa in si deg deg ah loo aqoonsado oo calankooda UN- ka laga taago, sababta oo ah xorriyadooda waxay qaateen 1960-kii isku duubnidii Soomaaliyeed way kala go’day waananu ka gar-qaadanay, waananu ku wareejinay madax-banaanidooda, wayna naga go’een. 18-kii May 2014.”
Gudoomiyaha dhaqanka Soomaaliyeed (Suldaan Bayle) waxa uu sidoo kale fariin u diray madaxwaynaha Soomaaliya, isla markaana uu la qaato madax-banaanidii ay siiyeen Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxaan baaq u dirayaa madaxwaynaha Federaalka Soomaaliyeed, hadal fiican oo qurxoon ayuu soo jeediyay xalay (habeen hore) oo ahaa in wada-hadal u socdo waxna aanay isku diidanayn waabanu ictiraafnay haddaan Soomaali nahay, markaa waxaan u sheegayaa madaxwaynaha inuu nagu raaco ilayn Soomaalida ayuu ka mid yahay, hogaanna u yahay in isaguna uu madax-banaanidooda saacada hadda ah ku wareejiyo ayaanu u soo jeedinaynaa.”
Gudoomiyaha dhaqanka Soomaaliyeed Suldaan Cabdicasiis Cumar Daar oo u warramay wageyska Dawan, waxa uu sidoo kale u soo jeediyay bulshada Soomaaliyeed inay dhismaha dawladnimada kaga daydaan walaalahooda Somaliland.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com