Guddoomiyaha cusub ee Jaamacada Hargeysa oo xilkii la wareegay
Hargeysa July 23,2012(SDN)- Guddoomiyaha cusub ee Jaamacada Hargeysa Dr.Cabdi Xussen Gaas ayaa maanta xilka kala wareegay guddoomiyihii hore ee Jaamacada Md Muuse Aadan Maxmed xaflad lagu qabtay qolka shirarka ee Jaamacada.
Xil wareejinta ayaa waxa goobjoog ku ahaa Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee jaamacada Hargeysa wasiirka Qorsheynta Md Sacad Cali Shire iyo marti sharaf kale oo ka socotay qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliland.
Guddoomiyihii hore ee Jaamacada Hargeysa oo halkaa ka hadlay ayaa ka warbixiyay xaalada guud ee Jaamacada khaasatan dhinacyada Dhaqaalaha iyo waxbarashada,ka dibna waxa uu xilka ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub.
Guddoomiyaha cusub ee Jaamacada Hargeysa Dr Cabdi Xuseen Gaas oo isna halkaa ka hadlay ayaa yiri; “Waxan aad ugu faraxsahay in Fursad ley siyey in Dalkii hooyo ee aan wax u soo bartay aan wax ugu qabto, Waxbarashadu aniga waa wax igu weyn, waxaanan balan qaadayaa in wixii aan ka geeysan karro jamacada hargeysa aanan ka hagran, Runtii waxaynu doonaynaa in Jaamacadeenu noqoto ta ugu horeysa Jaamacadaha Caalamka waynuna ka dhigi karnaa, waxanan idinka codsanyaa in aad ila shaqaysaan.
Jaamacadaha Adduunka iyo Kuwa Afrikaba waxa lacagta laga Guraa Ardayada intaanay Galaaska Galin, maxaa yeelay waa in shaqaalaha Lacagtooda la bixiyaa, waa in macalinkii shaqaynayey waa in lacagtiida la siiya, la odhan maayo Arday ayaan lacagtii bixin oo laga sugayaa, saddexda cisho ee ugu danbeysa Simistarka in lacagta la bixiyo taasi yeeli mayno, waana in marka ay soo galan lacagta laga ururiyaa, taasina waa in lays gaadhsiya.
Intaa ka dib waxa iyaguna haalkii u baxay marti sharaf kala gedisan oo gidigood guddoomiyaha u rajeeyay in eebe xilka u fududdeyo.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com