|

Guddoomiyaha Baanka Somaliland Oo Faahfaahiyey Hannaan cusub oo Giimbaarta lagaga Beddelayo Gobolka Sanaag

Hargeysa:31-Aug-2013(SDN)-Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa in muddo ahba  ku hawllanaa qorshe lacagta giimbaarta ah ee khal-khalka ku haysa Dadweynaha Gobolka Sanaag lagaga beddeli lahaa, waxana Haatan gobolkaas ku sugan khubaro diyaarinaysa hannaankii meesha looga saari lahaa.

b dhexe Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir  Cabdi oo Habeenkii xalay si gaar ah ugu warramayey shabakadda wararka ee Qurbejoog.com, ayaa  shacabka reer Sanaag oo haatan  ay dhibaato  badan ku hayso lacagta giimbaarta ah ee gabawday ugu bushaareeyey inuu ku hawllan yahay qorshihii uu lacagtaas uga beddeli lahaa.

Guddoomiye Cabdi Dirir oo Arrintaas ka hadlaya, ayaa yidhi, “ Haddii aanu Baanka Somaliland nahay in muddo ahba waxa aanu ku mashquul sanayn sidii aanu usamayn  lahayn qorshe macquul ah oo aanu kaga beddelayno lacagtaas dhibka badan inagu haysa, imikana waxanu Gobolka Sanaag u dirnay  oo jooga saraakiil farabadan oo hawshaas u xil saarani, waxana ay ku hawllan yihiin sidii ay u samayn lahaayeen nimaadkii lacagtaas lagu beddeli lahaa.”

Sidoo kale waxa uu Guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi  oo aanu waydiinayey sababta ay lacagtan ugu beddeli waayeen sidii middii burco oo kale, waxa uu yidhi, “ lacagtani maaha mid sidii tii burco oo kale loo beddeli karo oo meesha waxa jirta on maalin walba lacago cusub la soo daabacayo oo aan xuduud lahayn, markaa waxay u baahan tahay qorshe, kaasna waanu ku jirnaa.”

Waxa kale oo uu Guddoomiye Cabdi Dirir shacabka reer Sanaag u sheegay inay bilaabayaan hor dhaca hannaankii lacagtaas lagaga beddeli lahaa oo ay ugu horrayso in  Baanka dhexdiisa dadka looga furay Adeeg gaar ah oo ay doolarkooda ku beddelan karaan lacaga Somaliland oo qiime jaban ah.

Dhinaca kale waxa  uu Guddoomiyuhu, maadaama oo uu arrimaha Dhaqaalaha wax ka yaqaano ka hadlay dhawaaqa ka soo baxay dawladda ingiriiska ee ku saabsan joojinta xawaaladaha soomaalida eek u yaalla Britain, waxana uu yidhi, “Arrinta xawaaladaha lagu xidhayo waxa ay saamayn ku yeelan doontaa nimanka sarriflayaasha ah, haddii ay sarriflayaasha saamaysana dhaqaalaheena waa ay saamaynaysaa.”

Saraakiishan uu Guddoomiyuhu u diray Gobolka Sanaag, ayaa maalmaha foodda inagu soo haya shacabka u sheegi doona xalka rasmiga ah ee ay hayaan, waxana warkooda si aad ah u dhowraya Kumanaan shacabka Gobolka Sanaag ku nool ah oo ku hammiyaya in meesha laga saaro lacagta Giimbaarta ah laguna beddelo shilinka Somaliland.

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed

Hargeysa/Somaliland.

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed