Guddomiyha jaliyadda somaliland dalka ugandha oo ku dhawaaqay gudida qaban qaabada xaflada 18 may ee dalka ugandha+baaq ay wada jir usoo saaren Gudomiyaha jaliyadda iyo guddomiyaha ardayda Sland
(KampalaSDN) Guddomiyha jalliyadda dalka ugandha Md saed yusuf osman (cowsle), ayaa cawa waxa uu shabakadada caalamaiga ah SDNnews uu soo gadhsiiyey nuqul oo uu ku magacaabay gudida qaban qaabada xaflada 18 may ee dalka ugandha ,gudidan oo ka kooban 12 xubnood .
Guddomiyaha jaliyadda somaliland dalka ugandha ayaa waxa uu dhamaan jaliyadda dalka ugandha ku war galiyey inay gudidan uu fududeeyan howsha qaran ee ay wadaan ,xaga dhanka kalana uu gudidan uu soo jeediyey inay wajibaadka malintan qaran uu gutaan si habsami ah .
Guddomiyaha ayaa waxa uu shabakada togaherernews uu cadeyey inay howsha malinta qaran ee 18 may lagu xusaayo dalka ugandha ay meel fiican uu marayso waxaanu uu mahad si weyn ugu mahad naqay dhamaan jaliyadda dalka ugandha iyo guud ahaan ardayda reer Somaliland uu xusay inay si muwadinimo ku dhehan thay howshan uu wadan waxaanay mudan yihiin dhamaan jaliyadda dalka ugandha iyo ardayad wax ka barata dalka ugandha iyo hogaankooduba ay howshan si ahbsami ku jirto uu wadan .
Dhanaka kale waxa uu gudomiyaha jaliyada Somaliland Md saed yusuf osman uu xusay inay sanadkan malinta qaran ee 18 may hal meel kawada dhacayso aadna ay uga wada shaqeeyen gudomiyha ardayda iyo dhmaan ardayda reer Somaliland iyo ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee dalka ugandha , gaar ahaan shirkada dahabshiil iyo ganacsatada aamina xirsi mooge .
Sanadkana waxa runti in lagu faano mudan sida gacmaha laysku haysto
Sida kale waxa uu xusay gudomiyaha jaliyadu inay gudidan 12 xubnood ka koobani ay siku jiran gudi isagu soo xulay iyo gudi ay iska soo dhex saaaren hogaanka ururka ardayda reer Somaliland,sidaas oo ay tahay ayaan cawa si isku mid ah uu baahiyey ,si howshan baxadeeda leh looga wada qayb qaato arday iyo jaliyadba.
Waxaanu gudomiyaha jaliyaddu uu soo jeediyey dhamaan ardayda ,jaliyadda iyo ganacsata reer Somaliland ay sida wacan ay hadaba uga qayb qadanayan howshan qaranka Somaliland ay sii xoojiyan waxaanu halkan uga mahad naqay marlabaad ,dhamaan ardayada reer Somaliland jaliyadda iyo ganacsatada iyo asxaabta qaranka somalialnd iyo madaxdeeda inay aad ugu mahad san yihiin ka qayb qaadashada malinatan qaran waxa isna xusid mudan wakiilka Somaliland bartan uu fadhiya somaliland abdilaahi guhaad oo isna dhankiisa aad noola shaqeyey dhamaana waxaan leyhy waad ku mahad san tihiin waynaynta malintan qaran ee cid walba inay ka shaqayso ay thy mid ku waajiba.
Dhanaka kale waxa isna dhankiisa ka cadeyey Guddomiyaha ardayda reer Somaliland oo isna cadeyey inay howsha 18 may ay meel fiican uu marayso ilaa hada ,sanadkan ay meel kaliya ka wada dhici doonto iyado ay kawada shaqaynayan hogaanka jaliyadda Somaliland hogaan ahaan ardayda reer Somaliland .
Waxaanu yidhi gudomiyaha ardayda reer somaliland dalka ugandha aad ayaan ugu mahad naqay dhamaan ardayada reer Somaliland iyo jaliyada dalka ugandha iyo ganacsatada asxaabta Somaliland iyo dhamaan bulshada reer Somaliland dalka ugandha sida fiican ee ay noola shaqaynayaan.
Gudidan iskugu jirta qaybah ardayda iyo jaliyaduna waxay ka kooban 12 xubnood waana kuwan magacyadoodu.
1: xamse xaji dool
2 mohamed ali awil
3 mustafe baruud abdi
4 abdi ladiif ahmed hindi
5 hani xasan xusein
6 saynab cumar Mohamed
7 shaafici Mohamed colaad
8 abdi risaaq Mohamed siciid
9 ayaanle yasiin cawad
10 xamse Ibrahim osman
11 abdi salaam hasan mataan
12 mohamed bihi mohamud
Wariye khadar bitijoor
khadarbitijoor@hotmail.com
+256791661106
OFFICE SDNNEWS /UGANDHA