|

Guddomiyaha xisbiga ucid ee bariga Africa hanbalyey guusha uu xisbiga ucid ka gaadhay dorashada golaha deegaanka tahniyadna uu diray tageerayasha xisbiga ucid

Guddomiyaha xisbiga ucid ee bariga Africa hanbalyey guusha uu xisbiga ucid  ka gaadhay dorashada golaha deegaanka tahniyadna uu diray tageerayasha xisbiga ucid

(KampalaSDN)Guddomiyah xisbiga ucid ee  dalka ugandha kampala  ahmed abdi Ibrahim oo mar uu  waramay shabakada somalidiasporanews ayaa waxa uu ka hadlay arimaha dorashada  golaha deeganka ee arbacadii ka dhacday Somaliland ,ayaa waxa uu yidhi aad baan usoo dhaweynayna  guusha xisbiga ucid ila hada kalmaha hore kaga jiro dhamaan  tirooyinka hor dhaca ah ee ilaa hada komishanka ka soo baxaya  isago dhanka kalana hanbalyo uu diray tageeraysha xisbiga ucid ee mar walba la garab tag yihiin  hiil io hooba  damaana waxaan leyhay meel kasta ood aduunka kaga nooshihiin  waad ku mahad san tihiin sidaad ugu codayseen xisbiga ucid .

Dhanka kalan mar uu gudomiyuhu la hadlayey dhamaan madaxda tartamaysha ayuu waxaa uu yidhi  waxaan idinka codsanayna inaad ku qanacdaan natiijada dorasha ee la filaayo in bari oo isniin ah komishanku   iclaamiyo ,waana in sidi shalay markii aad ku soo baxayseen ururnimada ama xisbinimada aad maantana ugu qanacdaaan waana mid hore laynoogu majeertay waan ogahay inaad arinka wali komishanku iclaminayaan aad aqbali doontaan dhamaanteen.

Dhanka kale gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi shacabka Somaliland waxaan leyahay shacabka karamada leh dalka Somaliland bari ila galbeed  waa inaan nabad kawada shaqayna ,oo aan nabada askari kawada  ahaana insha laah.

I sago gudomiyuhu sii wada hadalkiisa waxa uu yidhi dhamaam hadaynu nahay dhinacyada ay khusayso dorashadu waa inaan sida la rabo uga wada shaqayna  midaas baynu ku gadhi karna  yoolkeena oo ah wadan ama dal dimuqradiya oo ay caalamkuna ina eegayaan  midaasna waan rumayn doona ilahayna haynagu garab galo.

Waxaanu dhamaan shacabka Somaliland  dhaman tood yidhi waad ka soo baxdeen dhmaantiin inad nabada ka shaqaysan oo ku codaysaan  taasina waxay cadaatay arbacadii sidaas uu codayseen  oo ay si nabad galyo ah inoogu dhamaatay waana wax ilahay loogu mahad naqo .

Waxa kale oo uu ka hadlay  in ilaa hadan ay komishanku ay howshooda wataan oo ay uu xaqsooran dhmaan tartamayaasha  ilahayna haydinku asturo xilka aad umada uu haysaan ana waan idinku garab taaganahay,waxaanay inoogu dhmaan doonta guul iyo wax laynagu  majeerto oo aad idina komishan ahaan  tariikhdu idinku xusi doonto waxaan idin leyhay hanbalyo.

Waxa uu gudomiyuhu hadalkiisa ku  soo afmeeray  ilahay hayna wada guuleyo qadiyada  ahaan  dhamaan teen umada Somaliland nabada iyo horumarkana ilahay hayno barakeeyo .

Wariye khaddar bitijoor

khadarbitijoor@hotmail.com

+256791661106

OFFICE UGANDHA /KAMPALA

Comments are closed