|

Guddomiyaha jaliyada Somaliland ugandha oo ka waramay safar uu ku joogay Kenya oo uu guulo waa wayn ka soo hooyey

Guddomiyaha  jaliyada  Somaliland ugandha oo ka waramay safar uu ku joogay Kenya  oo uu guulo waa wayn ka soo hooyey

(KampalaSDN)Guddomiyaha jaliyada Somaliland ee  ugandha Md sicid yousuf cisman cawsle  oo baryahan safar uu ku joogay dalka  Kenya oo ku joogay  arimo  shaqo ka war bixiyey kaas oo dhinacyo badan taabanayey,gudomiyuhu waxa uu sheegay inu la kulmay dhamaan bulshada ama jahliyadii qaybaheeda kala duwan  waxa kale oo kulan lasameyey  safiirka Somaliland uu fadhiya dalka Kenya ,halkaas oo kawadahadleen arimo badan oo khuseeya jaliyadada  wadanka  ugandha kaas oo isla meel dhigeen inay isla meel dhigeen in safiirku wixii karaankiisa aanu ka hagran jalyada Somaliland ee dalka ugandha midaas oo guddomiyaha jaliyada ugandha siciid cawsle iyo  safiirka Somaliland uu fadhiya Kenya ay isla garteen inay xidhiidhka ka dheya labada jaliyadood kinya ugandha sidi xidhiidh fiican uga sameeyan. Safaraduna gacan uga gaysani lahayd isku xidhka jaliyadaha bariga afrika degen ee Somaliland.

 

 

 

Dhanka kale waxa uu guddomiye siciid ousuf osmana waramay in uu hada ka bilaabi doono jaliyada Somaliland ee ugandha ee uu gudomiyaha uu yahay in  uu sii dhiso isago sheegay in arimaha guulaha ah ee safarkiisu daarna uu hirgalin laha isago hada ku sugan caasimada dalka ugandha ee kampala,waxaanu guddomiyuhu uu sheegay saxaafada in uu hada bilaabayo gacantan ku hayo dastuurki marka xilku dhamaado la isku dooran laha kaas oo aan marka hore jirin oo ahaa marka xilku dhmaado arin muran badan keento waxaanu yidhi guddomiye siciid waxaan balan qaaday inaan  waxyaabo badan oo soo jira oo khaldana meesha ka saaro hadana aan gacanta ku hayo,waxaan ka shaqeeynaya inaan ka shaqeeyo isku xidhnaanta jaliyada qaybaheeda kala duwan haday arday tahay iyo haday tahay jaliyada kale oo aan meel iskugu keeno doono insha alaah.

 

 

 

Dhanka kale waxaan doonay inaan hada sameeyo arimo badan oo aan halkan fulintooda ugu soo gurya noqday kow waxa ka mid ah inana sameeyo dastuur dhmaystiran oo an marnaba la isku dayin in la sameeyo hadan waa gabogabo waxaan kala tashan doona dhamaan qaybaheeda kala gadisan .iyo furataankii Xafiiska jaliyada oo aan hore ugu furnayn dalka Uganda.

 

 

 

 

Waxa kale oo balan qaaday oo uu hadaba soo qabtay guddomiye siciid in xidhiidh qoto dheer ka soo saneeyey isku xidhka jaliyadaha dhamaan bariga iyo badhtamaha Africa oo uu hada la soo kulmay jaliyada ugandha iyo Kenya oo ay soo samaysten wada shaqayn dheer isagoo sheegay inuu wadhadalna u socodo labad jaliyadood sidii laysugu xidhi lahaa ,waxa kae oo balan qaaday guddomiyuhu samayn doono hadaba uu bilaabayo week soo socda diwaan galin buuxda oo ah sidii loo ogaan laha tiro rasmiya ku qotanta tirade shacabka Somaliland  oo aan ilaa hada aan la ogayn iyana in la ogaada waxa weeye mid mihiima si looga warhayo halka xaalkuudu maraayo waxa ku soo kordha ,taas oon uga dan leyahay gudomiye ahaan  inaan xidhiidh kala sameeyo  xukumaada Somaliland oo aan doonayo inana uu sameeyo uu ban dhigo record dhaba inana helo sidi basaboorka Somaliland aan uga soo dhamayn lahaa iayago jooga qurbaha inay basaboorada doonan karaan markay dalka tagaan waayo waxaan record magacyadooda uu diraaya ciday khusayso si dadku u helaan basboorkooda ay u bahan yihiin wuxuu ku soo afmeeray hadalkiisa guddomiye siciid cowsle.

Emaila gaacidh1@hotmail.com

Mobile  +25672016867

 

Wariye khaddar bitijoor

 

 

 

 

 

 

Comments are closed