|

Guddomiyaha Gobolka Hawd oo Kulan la qaatay Ardey Jaamacada Hargeysa Ku Jirta

Baligubedle April 25,2012(SDN)-Badhasaabka Gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hure oo uu weheliyo Agaasimaha Madaxtooyada Maxamud C.laahi Xarbi ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiska Gudoomiyaha Toban arday oo wax ka barata kuliyada sharciga ee jaamacada hargaysa .

kulankan ayay labada dhinac kaga wada hadleen maxkamadaha guur guura ee loogu adeego bulshada danyarta ah ee aan awoodin inay qabsadaan Qareen u dooda .

Badhasaabka Gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hure oo u waramayay Wakaalada Wararka ee Solna ayaa u mahadceliyay dhalinyaradan aqoonta ay baranayaan ugu adeegaya dadkooda aan awoodin qabsashada qareen u dooda marka ay dacwado ka yaalaan laamaha garsoorka.

Geesta kale Maxkamada degmada Bali gubadle ayaa Maanta Xukun laba bilood oo xadhig ah ku riday nin ay ku cadaatay inuu aflagaadeeyay diinteena suuban ee islaamka kadib markii ay Sadex qof ku marag fureen.

Xukunkan ayaa noqonaya kii Sadexaad ee Maxkamadu rido bishan aynu ku guda jirno ee April.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed