Guddiyada Nabad gelyada ee Degmooyinkaa Caasimadda Hargeysa oo Taageeray Go’aamadii Shirkii London
Hargeysa June24 2012(SDN)-Kulan ay maanta isugu yimaadeen Guddiyada Nabad gelyada ee Lixda Degmo ee Caasimada Hargeysa, ayaa waxa ay si weyn ugu soo bandhigeen taageerada ay Bulshadu u hayso goaamadii ka soo baxay shirkii London ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in ay Somaliland guul fiican ka gaadhay siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo nuxurkii ka soo baxay shirkii London.
Guddiyadu iyagoo ka wakiila dadweynaha ku nool caasimadda, waxa ay hambalyo u direen Madaxweynaha JSL iyo xukuumadiisa oo ay tilmaameen in uu tallaabo horumar leh ka muujiyay sidii loo raadin lahaa Ictiraafka Madaxbanaanida Somaliland, waxana ay sheegeen in ay taageero buuxda la garab taagan yihiin , qaddiyada Somaliland-na tahay muqadas.
“Waxa aanu Madaxweynaha iyo xukuumadiisaba ku taageersanahay tallaabadasi la taaban karo ee uu qaaday ee ku saabsan Siyaasadda Arrimaha Dibadda, anaga oo taageersan goaamadii ka soo baxay shirkaasi lagu qabtay London”.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com