Guddiga Kala Reebista Ururada Siyaasada Somaliland Oo Soo Bandhigay Qodobada Iyo Habka Loo Raacayo Kala Saaristooda Marka Doorashada Deegaanku Dhacdo
Hargaysa 11-11-2012 (SDN)- Gudida kalsa saarista ururada iyo ansixinta Axsaabta Qaranka ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta akaadamiyada horumarinta nabada ee magaalada Hargaysa ku sheegay inay u anbo baxayaan Socdaal haleed oo ay kusoo marayaan dhamaanba Gobolada dalka si ay bulshada uuga dhaadhiciyaan qaabka kalada saarista ururada.waxaana ka mida hadaladiisa “Way iska cadahay waxa hadhayaa waa 4 urur waxaana lagu kala reebayaa qaab xisaabeedka Boqolayda”
Afayeenka Guddidan Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay iska cadahay ururada hadhayaa wallow aanuu magacaabin ururadaasi hadana isaga oo ku dabaqaaya xeerka Boqolayda waxa uu sheegay inay tahay mid cad hab loo kala saarayo ururadu .
Afayeenku waxa uu intaas ku daray inaanay jirin wax ururo ah oo saluugsan qaabka kala saarista ururada isla markaana ay wada saxeexeen xeerka habraaca qodobka 6aad ee xeer no:14
Waxaana uu u dhignaa hadaladii uu halkaasi afayeen warbaahinta ka hor akhriyey sidan:-
1- Iyadoo ololaha Doorashooyinku ay marayaan Gebogebo
2- Iyadoo Gudida diiwaangalinta axsaabta iyo ururada siyaasadu ay hore u wada saxeexdeen habraaca Qodobka 6aad ee Xeerka No:40
3- Iyadoo Guddida Diwaan Galintu ay u baxayso kormeer Gobolada Dalka ah
Waxaanu maanta oo Taariikhdu tahay 11/11/2012 halkan idiinku soo gudbinaynaa
1- Habraaca qodobka 6aad ee xeer no:14/2011 oo ka hadlaya habka loo kala reebayo axsaabta iyo ururada siyaasada habkaas oo la wada saxeexay.
Eeg: lifaaqa Qoraalkan ee qodonka 6aad ee xeerka no:14/2011
2- in xisbiyada , ururada siyaasada iyo dadweynaha reer Somaliland ay ilaaliyaan nabad galyada dalka qof walibana uu gaar xil isu saaro
3- inay xisbiyada iyo ururada siyaasada iyo taageerayaashooda ay ilaaliyaan xeerarka dalka sida distoorka qaranka, xeerarka no:20 iyo no:14 iyo anshaxa suuban, dhaqan wanaaga iyo tartan nadiif ah
Qodobka 6aad: Hanaanka kala reebista ururada iyo Xisbiyada
Sida uu dhigayo qodobka 6aad ee xeerka nidaamku, ururada/axsaabtu waxay ku hishiiyeen in habka kala saarista loo raaco sidan:- siyaasada xeerkan lagu abuuray ee uu ku fadhiyaa waa inuu gobolada dalka ku leeyahay xisbi/urur kastaa taageerayaal mug leh oo fadhiya boqolayda si ay u noqdaan sadexda xisbi ee soo baxaa xisbiyo qaran, oo ka wakiila dhamaan gobolada dalka Somaliland.
f- 1aad wuxuu leeyahay isagoo saldhigiisu yahay boqolayda sadex urur/xisbi ee gaadha lixda gobol 20% ayaa gudidu u aqoonsanaysaa xisbi qaran. Lana siinayaa shahaado xisbi qaran.
f- 2aad hadii hal xisbi/urur uu gaadho20% waxa gudidu u aqoonsanaysaa xisbi qaran, isaga iyo labada xisbi/urur eek u xiga kala saraynta isu gaynta boqolayda gobolkasta gaarkiisa
f- 3aad hadii ay islekeedaan laba xisbi/urur ama ka badan isu gaynta kala saraynta boqolayda gobolkasta gaarkiisa waxaa lagu kala saarayaa sida ay u kala badan yihiin codadka guud ee dalka
f- 4aad hadii ururada/xisbiyada siyaasada midna gaadhi waayo 20% waxay gudidu u aqoonsanaysaa xisbiyo qaran sadexda xibi/urur ee ugu tirada badan kala saraynta codadka boqolayda gabolkasta gaarkiisa.
Qodobka 10aad: Isticmaalida Boqolayda
Hanaanka kala saraynta ururada/axsaabta laguma isticmaali karo isku darka boqolayda (adding percentage). Waxa reeban in qaab xisaabeedka kala saraynta lagu saleeyo isku darka guud ee boqolayda gabolada dalka.
www.Qurbejoog.com Hargeisa