Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo u dhoofay Addis Ababa iyo ujeedada socdaalkooda
Hargeysa 23, May 2012 (Qurbejoog.com)- Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa la sheegay inay u dhoofeen magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Inkastoo aanu jirin war rasmi ahaan Komishanka Doorashooyinku ka soosaaray socdaalkaas, haddana siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, socdaalkan waxa u dhan todoba xubnood ee Komishanka Doorashooyinka.
Warku wuxuu intaa ku daray, in weftiga KDQ oo ay weheliyeen masuuliyiin ka tirsan hay’adda ay wadashaqaynta leeyihiin, ay Isniintii safar dhulka ah kaga baxeen caasimadda Hargeysa, si ay diyaarad uga raacaan magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Ma cadda ujeedada socdaalka weftiga Komishanka Doorashooyinku ugu baxeen caasimadda Itoobiya, balse wararku waxay sheegeen inay halkaas kula kulmi doonaan qaar ka mid ah dalalka Qaadhaan-bixiyeyaasha ah ee taageera geedi-socodka dimoqraadiyadeed ee Somaliland. Sidoo kale, ma cadda waqtiga uu qaadan doono socdaalka xubnaha Komishanka Doorashooyinku ugu baxeen Itoobiya.
Dhowaan waxay Komishanka Doorashooyinku qabteen doorasho maalin ahayd oo tijaabo ah, si ay ugu sar-gooyaan qabashada doorashooyinka dhawrka jeer xilligoodii dib uga dhacay ee Deegaanka Somaliland.
Qurbejoog.com, Hargeysa