Guddiga Doorashooyinka Somaliland Oo La Sheegay Inay Iclaamiyeen Xilliga Rasmiga ah Ee Ay Qaban karaan Doorashada Madaxtinimada
Hargeysa:April,21,2015(SDN/QJ)-Guddiga Doorashooyinka Somalilad, ayaa sida warar hoose oo la helayaa sheegayaan habeenkii xalay madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey Qoraal rasmi ah oo ay ku shaacinayaan xilliga ay dalka kaga qaban karaan Doorashooyinka Madaxtinimada iyo Baarlamaanka oo horeba u muddo-dhaafay.
Inkastoo warqadda komishanku madaxweynaha u gudbiyeen aanay si rasmi ah usoo gaadhin warbaahinta, haddana warar lagu kalsoon yahay, ayaa sheegay in Komishanku madaxweynaha u caddeeyeen inay diyaar noqon doonaan oo ay doorashada qaban karaan marka la gaadho Bisha June ee Sanadka 2016-ka, taasina ay tahay muddada awood ahaan ay arrintaas ku hirgelin karaan.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu u gudbiyo golaha guurtida go’aankan komiishanka doorashooyinka qaranku ka soo saaray muddada doorashadu qabsoomayso ee ay xalay u gudbiyeen, waxana la filayaa sidoo kale in dhawaan la abaabulo sidii Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada loogu kordhin lahaa muddo-xileedkooda oo wax laba bilood ku simani u hadheen.
Sidoo kale waxa maanta la filayaa in xubnaha Komishanka Doorashooyinku ay Golaha Wakiillada horyimaadaan, iyagoo ka jawaabi doona Su’aalaha ku gedaaman oo u badan inaan wali umaddu hubin xilliga ay doorashadu waddanka ka dhici doonto, waxana la rajaynayaa inay qoraalkii ay madaxweynaha u gudbiyeen ka hor akhriyi doonaan Golaha Baarlamaanka.
Waxa xusid mudan in Dalka Somalia ay sanadka 2016-ka qorshaysan tahay in laga qabto doorasho madaxtinimo iyo mid baarlamaan, waxana haatan muuqata in labadaas doorasho isku dhacayaan oo isku xilli qabsoomi doonaan, walow aan la hubin in midda Somalia dhici doonto.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com