|

Guddiga Difaaca Qaranka Waqooyiga Kuuriya oo ka hadlay ujeedada tijaabinta saddexaad ee Nukliyeerka iyo Qaraarkii Golaha Amaanka QM

Pyongyang January 24, 2013 (SDN)- Dawladda Waqooyiga Kuuriya ayaa ku dhawaaqday inay qorshaysay fulinta tijaabintii saddexaad ee hubkeeda Nukliyeerka, iyadoo loola jeedo dawladda Maraykanka, ka dib qaraarkii uu Salaasadii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay soosaaray.

Sida uu ku waramay Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa London, xukuumadda Waqooyiga Kuuriya wuxuu sheegay in tijaabadani qayb ka tahay wax uu ugu yeedhay ‘talaabooyinka soo socda ee dhamaan ka dhanka ah Ameerika.’

Iyadoo jawaab diidmo ah u ah qaraarka uu Salaasadii doraad soosaaray Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee uu ku cambaareeyay xukuumadda Pyongyang iyo tijaabinteedii Gantaal ee bishii December, isla markaana ku sii adkeeyay cunaqabaynta uu saaray maamulkaas, Guddiga Difaaca Qaranka Waqooyiga Kuuriya waxa uu sheegay in tijaabintan cusub ee hubkeeda Nukliyeerku uu qayb ka noqonayo qorshaheeda ka dhanka ah “Dhaarta cadowga ee dadka reer Kuuriya.”

Warku wuxuu intaa ku daray, in North Korea ay sidoo kale ku dhaaratay inay sii wadayso daah-furka gantaalaha badan ee ridada dheer.

Mar ay ka hadlaysay qaraarka Golaha Amaanka, waxay Kuuriyada Waqooyi ku macnaysay inuu yahay ‘mid dahaadh u ah Farta dawladda Maraykanka’, iyadoo warbaahinta dawladda Pyongyang ay si aad ah u naqdiyeen siyaaddaha khaarajiga Maraykanka iyo qorsheyaasha Golaha Amaanka QM.

Qurbejoog.com, Pyongyang

Comments are closed