Guddidda Qabanqaabada Shirweynaha Kulmiye oo Si Rasmi ah ugu Dhawaaqday Xilliga uu Qabsoomi Doono Shirku
Hargeysa:24-April-2014(SDN/QJ)-Guddida Qabanqaabada Shirweynaha Kulmiye, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xilliga uu qabsoomi doono shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo muddo dheer la sugayey.
Guddoomiye Abuukar Xaamud Jibriil oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Guud ee Xisbiga kulmiye ayaa sheegay in 28-ka Bishan April oo ku beegan maalinta isniinta ah la qaban doono shirweynaha, isagoo intas ku daray in xubnaha Ergooyinku ah gebo gebo ku dawyihiin, isla-markaana cidda dhiman la dhamaystiri doono Maalmaha Sabtida iyo Axadda ee Foodda inagu soo haya.
Guddoomiye Abuukar waxa uu tilmaamay in dhammaanba la dhameeyey wixii khilaaf ahaa ee xisbiga dhexdiisa ka jirey oo aanay Haatan ogayn wax caqabad ah oo hortaalla.
Shirweynaha saddexaad ee Xisiga Kulmiye oo muddooyin badan dib udhacay, ayaa ugu dambayn la muddooyey wakhtiga uu dacayo, waxana ay wali xarumihiiu la ciirciirayaan mashquulka xubnaha ergooyinka oo loo qaybinayo aqoonsiyadii lagu hawlgelayey.
Sidoo kale waxa goobta joogay dadweyne ka cabanayey hannaanka uu xisbigu u qaybiyey ergooyinka, kuwaas uu sheegay Guddoomiyuhu sheegay in lagu gudo jiro sidii loo afjari lahaa wixii ay tabanayaan.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@qurejoog.com