|

Guddida Xumaan Reebida iyo Wanaag Farista Somaliland oo Deeq Guddoonsiiyay Xarun Haweenka lagu Xanaaneeyo

Hargeysa April 17,2012(SDN)-Gudida  Wanaag farista iyo Xumaan reebista, gaar ahaan qaybta dumarka  ayaa Maanta la gudoonsiiyay deeq dhar Xarunta lagu xanaaneeyo laguna daryeelo dadka Maskaxda ka xanuunsanaya ee Macruuf ee Caasimada Hargaysa .

Wareejinta deeqdan waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiin ka socday xafiiska Samo falka Madaxtooyada,Maamulka Macruuf iyo Marti sharaf kale .

Munaasibadan oo lagu qabtay xarunta Macruuf waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xarunta daryeelka Macruuf C.raxmaan Maxamed Xasan oo ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay xaruntani soo martay intii ka danbaysay aasaaskeeda oo ku beegnayd sannadkii 2009-kii isagoo sheegay in fikirkani ku yimid kadib markii sida uu xusay ay ka damqadeen dadka xannuunada dhimirka asiibeen ee ku dayacan magaaladooyinka dalka, Gudoomiyahani waxa uu baaq u diray hay’adaha,iyo ganacsatada Somaliland sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen gacan qabashada ay xaruntani u baahan tahay.

Marwo Xaliimo Aadan Muxumed oo ku hadlaysay Magaca qaybta dumarka ee Gudida Wanaag farista iyo Xumaan reebista ee deeqdan soo gaadhsiisay ayaa sheegtay inaanay deeqdani noqon doonin tii u horaysay ama ugu danbaysay ee ay xaruntan soo gaadhsiiyaan iyadoo bulshada u soo jeedisay inay u samo falaan walaalaheena ay ku dhaceen Xannuunada Asiiba Maskaxda.

Gabo gabadii Siciid Cabdi Gaboobe oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Xafiiska Samo falka Madaxtooyada ayaa u mahad naqay haweenka is xilqaamay ee deeqdan dharka ah soo gaadhsiiyay dumarka dhimirka la’a ee lagu daryeelo Xarunta Macruuf,isagoo intaas ku daray inay xafiis ahaan il gaar ah ku eegi doonaan dadka ku jira Xaruntan.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed