|

Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Oo Go’aamo DHaxal Gal ah Ka Soo Saaray Dhacdooyinka ku cusub Somaliland.

 

Hargeysa:11-Oct-2013(SDN)-Guddida Wanaagfarista iyo Xumaan-reebista Somaliland, ayaa soo saaray Qodobbo dhaxal gal ah oo ay u arkaan inay xal u noqon karaan dhacdooyin ugub ah oo in muddo ahba ku  soo kordhaya Guud ahaanba Somaliland, gaar ahaanna caasimadda Hargeysa.

 

xumaanta reebGuddida oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabatay Xafiiska ay ku leeyihiin Degmada 26-ka Juune ee magaalada Hargeysa, ayaa dhammaanba shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay kala qayb qaataan Khayrka iyo wanaagga ay ku foogan yihiin oo ay ku sheegeen shaqo iyo hawl waajib ku ah qof kalsta oo muslim ah, islamarkaana aanay ahayn wax ay iyagu si gaar ah u leeyihiin.

Xunbahan Guddida ah  xaruntaas shirka ku qabtay oo ahaa qaar ka kala socday dhammaanba  ee Guddidu ku leeyihiin Somaliland, ayaa ugu horrayn ka hadlay Guddoomiyaha Guddida wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Somaliland  Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiirey, waxana uu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in Bulshada ka midowdo la dagaalanka iyo dabargoynta Caadooyinka xun xun ee bulshadeena ku soo badanaya.

Sheekh Maxamed ayaa Bulshada ugu baaqay inaanay Guddidan ku eegin hawshan culus ee ay  islaamka u hayso oo ay kala qayb qaataan, “ waxan ugu baaqayaa dhammaan bulshada reer Somaliland inay gacmaha isku qabsadaan oo u kacaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen xumaanta iyo arrimaha fawaaxishka ah ee islaamnimadeena ceebta ku ah, waxana arrintan Guddidu haysaa tahay mid dhammaanba waajib ku wada ah shucuubta reer Somaliland, mana jirto sabab kaliyagayo naloogu eegaa, waana kaliya wax ilaahay lagu raalligelinayo oo loogu dhawaanayo.” Ayuu  yidhi sheikh Maxamed  Maxamuud xiirey.

Guddoomiye-ku-xigeenka Guddida Wanaag-farista Somaliland Xaaji Cawil Xuseen oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa xukuumadda uga mahad naqay sida ay ugu garab taagan tahay Guddi ahaan inay gacan  bir ah ku qabtaan cid kasta oo lagu caddeeyo inay meel kaga dhacday diinteena suuban, waxana uu dhamaanba waxyaha hawshani khusayso ee dedaalka ku jira ugu baaqay inay halkaas ka sii wadaan xoojinta iyo adkaynta dagaalka lagaga soo horjeedo kuwa caadaystay inay meel kaga dhacaan diinta iyo dhaqanka toolmoon ee islaamkaba.

 

Xubno kale oo ka mid ah culimada waaweyn ee Guddidan ku jira oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday sida ay muhiimka u tahay in dagaal midaysan lagu ekeeyo dhaqamada qarriban  ee dhawaan soo galawga ah, waxana ay bulshada ugu baaqeen inuu qof waliba halkiisa gaadhka ka galo oo aanu cidna ku eegin Hawshan waajibka ku ah.

Guddida wanaag-farista iyo Xumaan-reebita Somaliland, waxa ay xukuumadda iyo Shacabka reer Somaliland u soo jeedisay Toddobo Qoddob oo u dhignaa sidatan:

1.in Bulshadu iska qabato qof kasta oo aflegaadeeya Diinta Suuban kuna Hubsato saldhigga ugu dhaw, lagana daba tegin qofkii diinteena aflegaadeeya, maxkamadna la hor geeyo.

2.in Dawladdu Tallaabo Adag ka qaaddo kooxaha ammaan-darrada Magaalooyinka ka wada.

3.in Kufsiga iyo Kufsi-wadareedka oo ah qof-dil, lala tiigsado shareecada islaamka, qofkii ergo ka galena xeer ciqaabeed la mariyo, arrinkaasna Bulshadu iska wada kaashadaan.

4. in Guurka umaddu ka heshiiso sidii dhallinta loogu fududayn lahaa kharashkiisana loo dhimi lahaa, sida horeba dalal muslim ahi u yeeleen.

5. in Maandooriyaha laga dabar gooyo dalka, liisadana lagala noqdo farmasiiyada dhallinta ka iibinaya kiniinka lagu wareero.

6. in la sameeyo Ciidan Boolis oo ilaalinta anshaxa u xilsaaran, kuwaas oo si joogto ah u roondeeya magaalooyinka.

7.Dhammaan Dawlad, shicib, Rag iyo Haween qof kastaa Goobtiisa aynu wanaagga isku farno xumaantana iska reebno, maadaama arrintaasi ay tahay waajib Diini ah.

 

S.D.N

Contac@somalidiasporanews.com

Comments are closed