|

Guddida Mashruuca Wadadda Cad oo Deeq Lacageed ka Guddoomay Qurba-jooga OHIO iyo Copenhagen

Hargeysa April 03,2013(SDN/Hubaal)-Guddida gacanta ku haysa Mashruuc Dhismaha Wadada cad ee Isku Xidhaysa Magaalooyinka Hargeysa Iyo Sallaxley ayaa deeq lacag ah ka guddoomay Jaaliyaddaha Somaliland ee ku kala dhaqan Magaalooyinka Ohio iyo Copenhagen ee wadamadda Maraykanka iyo Denmark.

Deeqdan lacagta ah oo lagu soo hagaajiyay ama loo soo wakiishay Ibrahim Raage oo isagu laftiisu degan Dalka Marakaykanka ayaa waxa ugu horeyn hadal kooban ka soo jeediyay halkaasi chief caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar, waxaanu yidhi “marka hore waxaan u mahadnaqayaa dadka ka tirsan beesha ee degan dalka maraykanka gaar ahaan gobolka Ohia, dadkaas oo lacagta aanu maanta xaflada u qabanay qayb ka mida soo ururiyey lacagtaas oo dhan $2000, waxaanan si gaara ugu mjahad naqaynaa Caasha Axmed Maxamed Iyo Mustafe Ibraahin Raage oo aanay lacagtani la,aantood ururteen, dadka qofna waxa lays weydiinayo ayuunbuu bixiyaa qofna wuu soo ururinayaa ee u socdaalaya, markaa mudnaanta way kala leeyihiin waxaanan mid kasta leenahay ilaahay ajarkiisa hawgu badalo.

Waxa kale oo aan ammaan u soo jeedinayaa dadka degan wadanka Denmark gaar ahaan magaalada Copenhegan waxaanan ugu ducanayaa in ilaahay meeshii ay ka soo saareen wax khayr leh ugu badalo, waxaanan si gaara ugu amaanayaa Cismaan Yuusuf Bare(Cismaan Tamandho) oo ururinta lacagtan xil weyn iska saaray.

Lacagtani marka dhan laga eego ma badna laakiin dhiiri gelin ayey tahay iyada oo wadadu mudo dheer socotay lacagayow badan oo kalena waa la soo diray, inkasta oo qurba jooga reerka kaalintii aanu ugu tala galnay aanay ku amaanayn, hadana maadaama oo iyada oo kala go,o uu ku yimid lacagta ay soo direen muhiimad koowaad ayaa taa siinaysa.

Wuu sii watay hadalkiisa waxaanu yidhi ‘dadku marka ay wax qabanayaan waxa dhacda inaanu amaan ku helin wax qabadkiisa, balse marka ay ka tagaan ay amaan balaadhan ku helaan, waxa suuqa ku jirta inay guddidu wada cad is jiidheen iyada oo waxyaalahaas suuqa la galiyey aanay waxba ka jirin, hadii aanu nahay guddida wadada Dawga Cad waxaanu leenahay hawshayadu sidii aanu ugu tala galnay ayey u socotaa wax khilaafa oo na dhex yaalaana ma jiro.’

Chief Caaqil Cabdirashiid Jaambiir oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ‘marka hore waxaan salaamayaa qurba joogta reerka iyo guud ahaan qurba joogta Somaliland meel kasta oo ay caalamka ka joogaan,waxa kale oo aanu aad ugu mahad naqaynaa jaaliyada beesha ee lacagtan na soo gaadhsiiyey waxaanan leeyahay wadadii way socotaa. Waxaad ogtihiin inay beeshu labadii sanadoodba mar shir weyne iskugu timaado taas oo doorata guddi ka kooban sodon xubnood waana guddida gacanta ku haysa hawsha dhismaha wada dawga cad, waxanan guud ahaan beesha gaadhsiinayaa in shirweynihii beeshu uu qabsoomi doono 25-ka bisha August, anaga oo qaban doono shirweynihii beesha goobtana dib ayaanu ka soo sheegi doonaa, waxaanan leeyahay guud ahaan beesha waa in laga soo qayb gala shirkaas.’

Ibraahin Raage oo loo soo wakiishay in uu deeqdaasi lacagta ah guddoonsiiyo guddida dhismaha wadada isku xidhaysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Salaxley ayaa isna yidhi ‘ marka hore waxaan ku boorinayaa qolo kasta oo qurbaha joogta inay iska soo diraan lacagta ay ugu tala galeen dhismaha wadadan, mudada uu roobku da,ayana waa in laga gaadhsiiyaa dhismaha wadada, waxaanan leeyahay waa in laga wada qayb qaataa dhismaha wadadan.’

Gabogabadiina Xildhibaan Siciid Maxamed Cismaan Libaaxo oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa oo ka mid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu uga mahad celiyay jaaliyada soo gaadhsiisay deeqdaasi lacagta ah ‘ marka hore waxaan salaan u dirayaa qurba jooga reer Somaliland, waxaanan mahadnaq balaadhan u soo jeedinayaa dadka maanta lacagtan taageerada ah soo gaadhsiiyey dhismaha wada cad kuwaas oo ah dadka ku dhaqan Ohia iyo wadanka Denmark waxaan aad u dhiiri gelinaya inaan danta wadada dawga cad ee gasha dawlada iyo meel kastaba inaan diyaar u aho inaan fuliyo, dadka dibaduhuna waxay u baahan yihiin in markasta xog laga siiyo dhismaha wadadu halka ay marayso.’

Comments are closed