|

“Guddida Fulinta IYO GOLAHA dhexe waxaa dooranaaya oo keliya Shirweynaha Xisbiga” Dr: Cabdi Aw Daahir

awdaahir24,May,2014(SDN/QJ)-Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland oo si aad loogu tiriyo shaqsiyaadka ka tirsan Xukuumadda ee loo aaneeyo inay  Gacan ku leeyihiin Khilaafka Ragaadiyay Xisbiga Kulmiye,ayaa sheegay in Gudiga Fulinta iyo Golaha Dhexeba lagu doorto Shirweynaha Xisbiga Kulmiye.

Waxaana uu soo Daliishaday Qodobo uu sheegay inuu ku jiro Dastuurka  Xisbiga Kulmiye.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Jamuuriyada Somaliland Dr: Cabdi Awdaahir waxa uu sidaas ku sheegay Qoraal ku baahiyay Barta Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook.waxaana uu u dhignaa sida tan: “Guddida Fulinta IYO GOLAHA dhexe waxaa dooranaaya oo keliya Shirweynaha Xisbiga ( EEG XEER Lr. 14 , qodobka 25aad, faqradiisa 4aad ee b IYO t ). Halkan ka akhri

 

Qodobka 25aad: Tayaynta iyo habaynta xisbiyada Qaranka

 

1. Xisbiyada Qaranka ee Doorashada ku guulaystaa waa in ay ku dhaqmaan maa-mul wanaag iyo dimuquraaduayad dhexdooda ah, waana in awooda loo siman yahay. Talada xisbigana waa in mar kasta lagu go’aan qaataa qaabka uu dhigaayo xeer hoosaadka.

2. Shirweynaha Xisbi Qaran waxaa la qabanayaa 5 (shantii sano) hal mar waxaana la baahinayaa lixdan (60) maalmood ka hor.

3. Shirka xisbi ee golaha dhexe waxaa la qabanayaa halkii sanaba mar waxana la baahinayaa 30 casho ka hor.

4. Shir waynaha xisbiga waxa lagu soo dooranaya.

b. Xubnaha hogaanka xisbiga iyo guddida fulinta

t. Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga

j. Waxaa lagu ansixinayaa barnaamijka iyo xeer-hoosaadka xisbiga.

5. Liiska xubnaha golaha fulinta iyo golaha dhexe ee xisbi iyo nuqul xeer-hoosaadkooda ah waxaa loo gudbinayaa xeer-ilaalinta, komishanka doorashooyinka qaranka iyo gudida diwaan gelinta mudo aan ka badnayn 30 maalmood shirwaynaha ka kib.

6. Hogaanka xisbiga, Guddida fulinta iyo xubin golaha dhexe waxaa xilka qaadistooda soo jeedin kara.

b) 1/3 xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.

t) Gudoomiyaha xisbiga.

j) Is-casilaad.

Waxaana cod kala-badh iyo hal ku ansixinaya xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.

7. Gudidda diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa xisbiyada dhexdooda ku ilaalinaya Dimuqraadiyada, iyagoo war bixintooda u soo gudbinaya Golaha Wakiiladda marka loo baahdo.

8. Marka mudo xileedka Gudidda diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka uu dhamaado waxaa shaqadooda la wareegaya komishanka doorashooyinka qaranka”.

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed