|

Guddida Doorashooyinka Soomaaliya oo Garowe ku qabtay kulan looga hadlayey Doorashooyinka 2020

Garowe 24. June 2017 (SDN/QJ):- Magaalada Garowe ee caasumada dawlada Puntland ayaa waxaa ka dhacay kulan ay soo qaban qaabiyeen gudiga doorashooyinka dawlada federalka Soomaaliya kaas oo looga hadlayey doorashooyinka Soomaaliya sanadka 2020 la filayo inay ka dhacdo dalka.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka dawlada federalka Soomaaliya Marwo Xaliimo yaray oo ugu horayn ka hadashay socdaalkooda Garowe iyo wafdigan ayaa sheegtay inay ku faraxsantahay imaanshaha Puntland waxana ay sidoo kale sheegtay inay u jeeda socdaalkeedu yahay sidii doorsho Xor ah oo qof iyo cod ah uga dhici lahayd dalka 2020ka.

 

Xaliimo ayaa sidoo kale waxay sheegtay inay waddamo badan oo Dariska ah ay u tagtay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta dadka ka shaqaynaya Doorashada Soomaaliya.

 

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka hadlay gudoomiyaha Daladda Ururada Aan dawliga ahayn ee PUNSA Faysal Axmed Warsame wuxuuna sheegay inay Garowe kusoo dhawaynayaan wafdiga ka socda dawlada federalka Soomaaliya ayna kala shaqaynayaan arimaha doorashooyinka Shacabka Puntland ay diyaar u yihiin ka qayb galka xoojinta arimahaasi.

 

Ugu danbayn wasiir ku xigeenka Dastuurka arimaha federalka iyo dibmuqraadiyayeynta Puntland ayaa ka hadlay dhankiisa waxaana uu sheegay inay Soomaaliya hada ay wadda hormarka cagta Saartay ayna kala shaqaynayaan gudiga Doorashooyinka Soomaaliya.

Comments are closed