Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ku dhawaaqay Natiijadii Codeynta ee Borama
Borama Dec 03,2012(SDN)-Guddida doorashooyinka ee gobolka Awdal ayaamaanta mudo ka dib shaaciyay tirada codadkii halkaa laga dhibtay iyo sida axsaabta iyo ururadu u kala heleen.
Degmeda Borama ee ah xarunta gobolkaAwdal ayaa leh 21 xildhibaan oo ay todobo urur iyo xisbi ku tartamayeen.
Codadkii laga dhiibtay degmada Borama sidan ayaa loo kala helay;
Xsibiga Kulmiye waxauu helay 7 kamida 21 xildhibaan
Ururka Wadani ayaa isna helay 4 xildhibaan
Xisbiga UCID waxa uu helay 3 xildhibaan
ururka Umadda ayaa helay 3 xildhibaan
Ururka Rays ayaa helay 2 xildhibaan
ururka Xaqsoor ayaa helay 1 xildhibaan
ururka Dalsan ayaa isna helay 1 xildhibaan
Boorama ayaa ah ilaa iyo haatan degmada ugu xildhibaanada gollaha degaanka badan ee natiijadeeda lagu dhawaaqay.
SDN-Borama
contact@somalidiasporanews.com